WAJAALE NEWS

Waa Kuma Ninka Reer Galbeedka Iyo Israel ba ka Qayliyeen Ee Madaxwayne Erdogan Umagcaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda?

Shaki la’aan, mid ka mid ah magacaabisyada golaha wasiirrada Ee uu Erdogan sameeyay ee ugu hadal haynta badan ayaa Ahayd Hakan Fidan, oo muddo 13 sano ah soo hoggaaminayey Waaxda Sirdoonka Qaranka (MIT) oo haddana loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Hakan Fidan wuxuu taariikhda Turkiga ku galay in uu noqday Magacaabistii rasmi ah ee ugu horreysay ee madaxa sirdoonka hal mar loo dallacsiiyo hogaanka diblomaasiyadda Turkiga.

Fidan oo uu Erdogan ku tilmaamay ”furaha sirtiisa” ayaa lagu qiimeeyay in ay heerkan gaarsiisay sida uu ugasoo caddaaday shaqadiisa MIT oo ah hay’ad si joogta ah ugu leg leh hawlaha gobolka, laga bilaabo Libya illaa Suuriya, Ukraine illaa gobollada Caucasus.

Waxaa madaxa sirdoonka loo magacaabay sannadkii 2010. Shaqada Fidan oo hawlahan daaha gadaashiisa ka qaban jiray sida habraacii xal u helidda PKK iyo isku daygii afgembi ee 15 kii july, ayaa si taxaddar leh loo daawan doonaa gudaha iyo bannaankaba

Muddadii dheerayd ee uu xilka hayay, Hakan Fidan waxa uu ka qayb qaatay hawlo badan oo muran dhaliyay, gaar ahaan tallaabooyinkii uu ka qaaday isku daygii afgambi ee July 15-keedii. Laakiin falcelintii ugu horeysay ee isaga ka soo horjeedday waxay ka timid dibadda, ma ahan mid ka timid gudaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii Israa’iil Ehud Barak ayaa xilligaas sheegay in noqoshada Fidan ee madaxa sirdoonka Turkiga ay ahayd arrin laga naxo. Barak oo markii hore walaaciisa ka sheegay kulan xiran ayaa markii dambe si cad wuxuu ku andacoodey in Fidan uu qaatay mawqif uu ku taageereyo Iran sannadihii uu “diblomaasiga” ka ahaa Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah intii u dhaxaysay sannadihii 2008 iyo 2009.

Mid ka mid ah hadalladiisa naadirka ah, ayuu Fidan bayaan uu soo saaray wargeyska Habertürk ee 2013, ku yiri “Markii ugu horreysay adduunka, dawlad (Israa’iil) waxay ka falcelisay maamulka sirdoon ee dawlad kale waxayna si cad u rabin in Hakan Fidan uu madax u noqdo MIT, danaheeda gaarka ah, waxayna sidaas ku sheegtay war-murtiyeed rasmi ah,” ayuu yiri.

Waxaa jiray laba hawlgal oo muhiim ah oo ku astaysan xilligii Hakan Fidan uu xilka la wareegay oo mararka qaar isa saameeyay: xiisaddii ka dhalatay markii uu xumaaday xiriirka dowladda iyo ururka Gülen, iyo geeddi-socod wada-xaajood ah oo Oslo ka bilowday ee lala galay PKK si xal loogu helo dhibaatada Kurdida.

Xiisadda u dhaxaysa dowladda iyo ururka Gülen ayaa sidoo kale u qaadday MIT iyo madaxa hay‘adda, Hakan Fidan, cinwaannada sarsare ee wararka. Bishii Febraayo 7, 2012, xeer ilaaliye gaar ah oo idman oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay ururka Gülen ayaa Hakan Fidan iyo laba sarkaal oo MİT ka tirsan ugu yeeray si ay uga marag furaan kiiska Midowga Bulshooyinka Kurdistan (KCK), laakiin Fidan iyo MIT ma aysan markhaati furin.

Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdoğan oo xilka ka maqnaa sababo la xiriira qalliin uu xilligaas ku maqna, ayaa hadal uu jeediyay kaddib sheegay in la xiri doono haddii Fidan uu hadal ka sheego, isagoo xusay in dhacdadan ay tahay shirqool uu Gülen soo maleegay.

Waqtigaas, dawladdu waxay ku eedaysay ururka Gülen inay mas’uul ka yihiin baahinta warar ku saabsan nuxurka wada-xaajoodka Oslo iyo baahinta eedeymaha sida MIT oo hub siisay ururrada Islaamiga ah ee dagaalka sokeeye ee Suuriya ee bilaabmay 2011. Ajendaha wuxuu ahaa in Turkiga oo taageera mucaaradka Suuriya ay si wada jir ah u afgembiyaan nidaamka Bashaar Al-Asad ee dalkooda, iyo taageero hub oo lasoo marsiiyo MİT, dowladduna way diiday eedeymahaas. MIT iyo Fidan ayaa muddo dheer laga hadal hayey gudaha iyo dibadda dalka, sababtuna tahay siyaasadda la raacay gaar ahaan xilligii ugu horreeyay ee dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Mid ka mid ah qalalaasihii ugu weynaa ee dhaca taariikhda casriga ah ee Turkiga ayaa ahaa isku daygii afgembi ee 15 kii july 2016 dalkaas ka dhacay. Xilligan waxa si weyn looga dooday waxa MIT oo uu madaxda ka ahaa Hakan Fidan ay sameeyeen iyo waxa ay qaban waayeen. In kasta oo ay kobcisay awoodda iyo xog-ururinta, haddana in aan hore loo ogaan in koox ka tirsan ciidammada Turkiga ay isku dayaan afgambi, ayaa weli ka mid ah arrimaha la dhaliilayo.

Guddoomiyaha xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu, oo isticmaalaya weedha ah “isku day afgambi oo la xakameeyey” ayaa ku andacooday in wixii dhacay 15-kii Luulyo ay dhab ahaantii ahaayeen shirqool ay qorsheeyeen sirdoonka iyo dowladda. Dhanka kale, dowladda ayaa ku eedeysay Kılıçdaroğlu inuu “been sheegay”.

Hakan Fidan ayaan u tagin guddiga laga dhisay baarlamaanka dalka Turkiga si ay baaritaan ugu sameeyaan isku daygii afgambiga, taasoo keentay inay kor u kacdo dhaleeceynta isaga ka dhanka ah ee mucaaradka.

Dhab ahaantii, isku daygii ahaa in Hakan Fidan laga qaado MIT oo si toos ah siyaasadda loogusoo daro ayaa markii ugu horreysay waxaa fuliyay Ra’iisul Wasaarihii xilligaas Ahmet Davutoğlu 2015. Davutoglu, oo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Guddoomiyaha Xisbiga AKP ka dib markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha 12aad 10kii Agoosto 2014, wuxuu Fidan u magacaabay musharax baarlamaan oo kasoo baxa Ankara doorashadii 7-dii June ee sannadkii 2015.

Isagoo ka falcelinaya iscasilaadii Fidan ee MIT iyo go’aankii uu ku galay siyaasadda isagoon ogeyn,Erdogan ayaa ka hortagay howshaas isagoo la kulmay Davutoğlu iyo Fidan labadaba. Erdogaan waxa uu saxaafada u sheegay in uu ka xun yahay Fidan waxa uuna yidhi “MIT ma aha machad caadi ah. Waa hay’adda ugu muhiimsan ee dawladda. Haddii hay’adda sirdoonka ee qaranku ay daciifto, suurtogal maaha in dawladdaasi sii noolaato. Imika hawshan oo kale ayaanu u keenay, anigaa keenay. Hadday arrintu sidaas tahay, markuu baxayo haddaan loo oggolayn, waxay ahayd inuu meeshaas joogo oo aanu ka bixin. Markaa, dabcan, waan dhibsaday.”

 

Wixii ka danbeeyey isku daygii afgambi ee 15kii July5 waxaa lagu qeexi karaa inay tahay xilligii labaad ee Hakan Fidan- madaxa MIT. Muddadan iyada ah waxay MIT, oo uu hogaaminayo Fidan kordhisay dhaqdhaqaaqyadeeda “la dagaalanka argagixisada” ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale dalka guduhiisa , iyada oo ay ugu wacan tahay kororka awoodda sirdoonka aadmiga iyo tignoolajiyada.

Tallaabo kale oo muhiim ah oo muddadan ku beegnayd ayaa ahayd kororka waxtarka MIT ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan jagagaarka dhow ee Turkiga. Isagoo ka qayb qaadanaya ku dhawaad dhammaan safarradii dibadda iyo xiriirkii Madaxweyne Erdogan, Fidan ayaa sidoo kale si dhow ula shaqeeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlüt Çavuşoğlu iyo Wasiirka Difaaca Qaranka Hulusi Akar, waxuuna qeyb ka noqday labada dhinac ee amniga iyo siyaasadda dibadda.

Fiiro gaar ah ayaa loo soo jeediyay doorka sii kordhaya ee MIT ee kordhinta saameynta ay ku leedahay gobolka dhow ee Turkiga, gaar ahaan Liibiya iyo Suuriya. Marka laga soo tago hawlihii ay ka wadday gobolladaas, MIT waxay sidoo kale door ka qaadatay dib u soo celinta wadahadalladii dalal badan oo xiriirka Turkiga uu burburay.

Tallaabada ugu horeysa ee caadiga ah ee xiriirka wadamada sida Imaaraatka Carabta, Sacuudiga, Masar iyo Israel ayaa mar walba la marayey hay’adaha sirdoonka. Hababka caadiga ah ee ay hay’adaha sirdoonku ku soo kordhiyeen marxaladda siyaasadda ayaa la soo mariyey wasaaradda arrimaha dibadda, waxaana hawshaas lagu soo gebagebeeyey tallaabadii u dambaysay ee heer hoggaamiyeyaal.

Xidhiidh wanaajinta Suuriya oo Hakan Fidan uu shakhsi ahaan ugu lug leeyahay, waa mid ka mid ah hawlihii MIT ay qabatay. Fidan iyo Akar ayaa wada xaajoodka Suuriya ka bilaabay Ruushka maalmihii u dambeeyay ee sannadkii hore. Ma noqon doonto wax la yaab leh in mid ka mid ah hawlihii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee uu Fidan jeclaa in uu si dhakhso ah u soo gabagabeeyo ay tahay wanaajinta xiriirka Turkiga iyo Suuriya.

Sida laga soo xigtay falanqeeyayaasha, sida Fidan uu u qaban doondo xidhiidhka Maraykanka iyo reer galbeedka ayaa noqon doona mid muhiim ah oo go’aaminaya habka xidhiidhka caalamiga ah ee Turkiga sanadaha soo socda.

Exit mobile version