WAJAALE NEWS

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Shaaciyay Socdaal Uu Ku Tagayo Somaliya!

NEW YORK(W,N)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu booqasho ku tegi doono Soomaaliya inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramdaan.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ayaa xusay in socdaalkan ujeedddadiisu ay tahay sidii garab istaag loogu muujin lahaa dadka Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in ay muddo dheer la deris yihiin abaaro iyo colaado isu barkaday.

Isaga oo hadalkiisa raaciyey in bisha Ramadaan ay tahay mid muujinaysa wejiga saxda ah ee Islaamka isla markaana uu isaga qudhiisu cuntada ka soomay xilliyo uu booqday meelo ka mida dhulalka Muslimiinta.

 

Exit mobile version