HARGAYSA(W,N)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland toorno iyo Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka qaranka Daa,uud axmed faarax ayaa maanta kulan ku yeeshay xafiiska imtixaanaadka kadib khilaaf cakiran oo soo kala dhexgalay labadan masuul kaasi oo wasiir sheegay in uu xilka ka qaaday udoomiye daa,uud wallow xilka qaadista wasiirka ay ka dhalatay dood sharci oo tilmaamaysa in aanu xilka ka qaadi Karin.
Halka Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka ooh ore warbaahinta ula hadlay uu ku gacan saydhay xilka qaadis taasi isagoo dhankiisa ku dooday inaan xiligan cidna xilka laga qaadi Karin, maadama ay ku hawlan yihiin udiyaar garowga imtixaanka shahaadiga ah ee Ardayda dugsiyada sare iyo kuwa fasalada dhexe
Wararka laga helayo kulanka wasiirka waxbarashada iyo gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka ayaa sheegaya in labada masuul ka wada hadleen khilaafka soo kala dhexgalay islamarkaana ay ka gaadhaan isfaham buuxa, wallow aan wax war ahi wali kazoo bixin dhinacooga.
Kulanka labadan masuul ayaa lagu wadaa in uu soo afjaro khilaafkii udhexeeyay kaasi oo halis ku ahaa qaranka iyo habsami usocoda shaqada udiyaar garowga Imtixaanaadka shahaadiga ah oo dhawaan ka bilaabmi doona guud ahaan dalka Somaliland.