WAJAALE NEWS

Xudun: Waxgaradka Degmada oo Xukuumadda ku eedeeyay inay ku Guul-daraysatay Xulida Golle deegaan oo Shacbiga Metela iyo Eex

Sida lagu sheegay Baaq ay Maanta Magaalada Xudun ka soo saareen Odayaasha Dhaqanka

 

 

Xudun(Wajaale-News)-Waxgaradka iyo Madaxdhaqameedka Degmada Xudun, ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland gacmaha ka laabatay wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee degmada iyo khilaaf muddo sanad ah ka taagnaa xulida Golaha deegaanka ee degmada oo qayb ka mid ah Is-xambaar lagu soo xulayo, ka dib markii arimo dhanka amniga ahi saamixi waayeen in doorasho gudaha Magaalada xudun ka qabsoonto xiligii Goleyaasha deegaanka la dooranayay.

Sida lagu sheegay Baaq ay Maanta Magaalada Xudun ka soo saareen Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka degmadaasi, waxaan ilaa hada hab sharciga waafaqsan lagu soo xulin xildhibaanadii deegaanka meteli lahaa, kuwaasoo shan ka mid ah oo Tuulo degmada hoos timaada doorasho kaga soo baxay mooyaane intii kale Wasaaradda arimaha guduhu ku guul-daraysatay inay magacowdo.

Baaqa Odayaasha Xudun ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wasaaradda arrimaha guduhu si cad uga dhego adaygtay codsi ay ku dalbadeen in loo sameeyo Saldhig Boolis , Ciidan Bilays ahna loo qarameeyo.

Qoraalka Odayaasha oo ay ku saxeexanyihiin 18 xubnood oo ka mid ah Hormuudka Bulshada degmada, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews ayaa u dhignaa sidan:-

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

Duqayda iyo Waxgaradka Degmadda Xuddun Date: 21/10/2013

“Haddaanu nahay Duqayda iyo waxgaradka magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaan cabasho ka muujinaynaa caddaalada darrada iyo gabood-falka ay wasaaradda daakhiligu ku hayso Degmadda xuddun, gaar ahaan wasiirka Cali Maxamed Warancadde, arrimahaas oo kala ah:-

1. Degmadda xuddun doorashadii golaha deegaanku kama dhicin, gaar ahaan subixii waxa ka bilaabmay dagaal ay soo qaadeen kooxda khaatumo ciidanka qarankuna way u jawaabeen, taas oo sababtay in guddida doorashooyinku ay gebi ahaanba ka joojiyaan cod bixintii sidaana ay ku laaleen doorashadii degmadda xudun, haddaba waxa gadaal ka soo baxay in la yidhi 5 xildhibaan ee Beesha Sacad Yoonis ah ayaa ka soo baxay Tuulada Bohol, taas oo fajiciso nagu noqotay, kaaga darane waxaa lagu daba qoray 8 kale oo Beesha Ugaadhyahan ah oo la yidhi waa is xambaar, waxa muddo sanad ku dhaw la raadinayey xildhibaanada isxambaarka ah oo markii horeba cid qortay iyo meel laga keenay aan la garanayn waxana suurto gali wayday in la helo magac qudha oo sax ah oo ay leeyihiin Beesha Ugaadhyahan.

Arrintaas waxa ka hawlgalay Badhasaabka gobolka Sool, Guddoomiyaha Komishanka Gobolka iyo guddoomiyaha komishanka degmadda xuddun, waxayna isku raaceen inaan la helayn wax documenti sax ah oo ay leeyihiin nimankaasi sidaa darteedna uu maamulka degmada hore uga jiray shaqadiisa halkiisa ka wato inta la helayo ama la kala dirayo waxaana Badhasaabku qoraal ku soo siiyey wasaaradda daakhiliga.

Sidoo kale sida uu dhigayo xeerka doorashooyinku gole deegaan oo degmo wuxu suurto gali karaa marka guddiga doorashooyinku ku dhawaaqaan xubnaha deegaankuna ka soo wada xaadiraan laguna dhaariyo Maxkamada Gobolka, ka dibna waxa fadhi u qabanaya guddoomiyaha gobolka wayna sidaa ku doortaan guddi fulin degmo oo ah Maayar iyo Ku Xigeen.

Haddii taas la waayo oo ay ka soo xaadiri waayaan kala badh in ka badan, waxa buraya dhamaan shuruudihii golahaasi lahaa iyo dhaartii. Waxaanu hadaba la yaabanahay in muddo sannad ku dhaw uu kabkii degmada xudun iyo mushaharkii shaqaalaha D/hoose ee ay ka heli jireen wasaaradda u xanibnaadaan dad xildhibaano sheeganaya oo suuqa iska jooga oo 5 ah, oo uu wasiirka daakhiligu ka dambeeyo, waxaananu arrintaa u bandhigaynaa cidkasta oo aqoon u leh iyo halka ay xeerka Somaliland kaga jirto in 5 xildhibaan gole deegaan noqdaan.

2. Degmadda xuddun waxa ku sugan 9 guuto oo ciidanka qaranka ah waxaana ka furan xafiiskii maamulka degmada oo maayarku fadhiisto oo aan lahayn Boolis iyo Gaadiid toona, labadii xukuumadood ee kala dambeeyey waxaanu ka baryeynay in boolis naloo sameeyo oo saldhiga oo aanu qayb dhisanay naloo dhamaystiro, bal caddaalad darrada wasiirka daakhiliga Tuulada Bohol, oo ah Tuulo laga xukumo degmada xuddun ayuu siiyey gaadhi iyo ciidan boolis oo ah ta uu leeyahay 5 xildhibaan ayaa ka soo baxay, halka xuddun oo Caasimadii degmada ah ay la’dahay wax u dhexeeya ciidanka qaranka iyo dadwaynaha in badana masuuliyiinta ciidanka qaranku way ka soo hadleen arrintaas waxna lagama qaban.

Sidaas darteed, waxaanu ka maarmi waynay in shacabka reer Somaliland iyo xukuumaduba ogaadaan tacadiga iyo ka qarad-qaadashada lagu hayo qaar ka mid ah beelaha Somaliland iyo deegaanadooda.

ALLAA MAHAD LEH

Liiska Duqayda iyo Waxgaradka Qoraalkan sameeyey

1. Oday Maxamed Hagar Dirir

2. Oday Maxamed Jaamac Dhiillood

3. Oday Axmed Xuseen Cali

4. Oday Cawil Warsame Shire

5. Oday Maxamed Yuusuf Guure

6. Oday Warsame Saleebaan Dirir

7. Oday Jaamac Warsame Gole

8. Oday Ayaanle Maxamed Dayl

9. Oday Caweef Jaamac Tuur

10- Maxamed Nuur Muuse

11- Oday Jaamac Maxamed Xasan (Fallalug)

12- Oday Saleebaan Barre Geesood

13- Oday Jaamac Cismaan Caalin

14- Oday Maxamed Jaamac Dalmar

15- Oday Jaamac Maxamed Xandulle

16- Oday Xasan Cawil Diiriye

17- Oday Yaasin Bile Cali-xayd

18- Oday Jaamac Ismaaciil Guuleed

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version