LAASCANOOD(W,N)-Ciidamada qaranka Somaliland eek u sugan duleedka magaalada laascanood ayaa saaka markale dagaal culus dhexmaray kooxaha kuwanta ah eek u sugan gudaha magaalada
Dagaalkan oo mudo socday ayaa ciidamada Somaliland jab culus gaadhsiiyeen maleeshiyaadkii iyo kooxaha huwanta ee soo weeraray kuwaasi oo iskaga kala yimid maamul goboleedka punthland, somaliya iyo dawlad deegaanka itoobiya
Dhanka kale xukuumada Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay dagaalka lagu soo qaaday fadhiisimada ciidanka qaranka iyagoo sheegay in ay iska difaaceen islamarkaana ay ka qabsadeen gaadiid dagaal iyo maxaabiisba.