WAJAALE NEWS

Prof Ibrahim Meecaad Oo Ka Hadlay Dhoolatuska Maraykanku Ku Qabanyo Berbera Iyo Ficilada Ka Dhanka ah Somaliland Ee Kasoo Yeedhay Safiirka Muqdisho Ufadhiya!

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahanka Somaliland islamarkaana kamid ahaa Halgamayaashii Snm ee Doorka wayn ku lahaa dib uxoraynta Somaliland ayaa ka hadlay dhoolatuska maraykanku ku Qabanaya magaalada berbera oo ku taliyay in dawlada Maraykanka la waydiiyo qaabka uu uqabanayo iyo hadalada Gefka ku ah jamhuuriyada Somaliland ee kazoo yeedhaya Safiirka maraykanka ufadhiya muqdisho.

Sidoo kale Prof Ibraahim ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay in ay bulshada ucadayso mawqifka kaga aadan dhoolatuska maraykanku ugu qabanayo berbera dalalka badan ee saaxibka la ah.

Dhanka kale prof Ibrahim meecaad ayaa sheegay in Somaliland ilaaliso xadka dheer ee udhexeeya itoobiya islamarkaana dawlada itoobiya looga baahan yahay sobobta keentay in dalkeeda ay kusoo shiraan kooxo duulaan ku ah qarannimada Somaliland oo dhawaan shirk u qabsaday magaalada jig jiga

HALKANKAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version