WAJAALE NEWS

Askar Afduub Looga Haystay Dawlada Jabuuti Oo Lasii Daayey!

JABUTI(W,N)-Taliska ciidanka Djibouti, ayaa sheegay in la soo daayey lix askari oo ka tirsan ciidanka Djibouti, kuwaas oo ay afduubteen jabhadda mucaaradka ah ee FRUD.

Afduubkan, ayaa yimid kadib markii weerar lagu qaaday xero ciidanku ku leeyahay gobolka Todjorrah.

Weerarkaas ayaa waagaa waxaa ku dhintay toddoba askari.

Dawladda Djibouti ayaa jabhaddaas FRUD u aqoonsatay urur argagixiso ah.

Taliyaha ciidanka Djibouti, Gen Sakariye Sheekh Ibraahim, ayaa xaqiijiyey in askartaa lasoo sii daayey.

Exit mobile version