GABILEY(W,N)-Wasiiro Xukuumada Katirsan, Maamulka Gobolka Gabiley Iyo ka Degmada Gabiley Ayaa Kormeer ku soo Maray mashaariicda laga Hirgaliyay Magaalada gabiley Ee mashruuca GPLG halka ay Kuwo kalena Dhagax Dhigeen.
Kormeerkan masuuliyiinta xukkuumada jsl ayaa kormeeerkii Sannadlaha ee Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka JSl Ee Mashruuca maamul daadajinta Dowladdaha Hoose.
Wasiir kuxigeenadda Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Waxbarashada, Agaasimaha guud ee Goboladda Iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, Gudoomiye kuxigeenka Haayadda Maamul wanaaga, Xafiiska Championka, La taliyayaasha Waxbarashada Iyo Caafimaadka Iyo maamulka Gobolka Iyo Degmada ayaa si wadajira usoo kormeeray Mashaariicda maamul daadajinta.
Waftigan ayaa xadhiga ka jaray mashaariic ay fulisay Dowladda Hoose Degmada Gabiley kuwaas oo kala ahaa:-
1.Wadada Shariif Cali
2.Dugsiga Farsamadda Gacanta.
3.Dugsiga Dadka baahiyaha gaarka qaba.
4.Dugsiga Wadajir
Sidoo kale waftigan ayaa dhagaxdhigay Saddex wado oo laga fulin doono magaaladda
Magaalooyinka Gabiley Iyo Wajaale.
HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;