WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Sexeexay Xeer Muhiim U Ah Somaliland!

USA(W,N)-Madaxweynaha Dawlada Maraykanka Joe Biden ayaa saxeexay Xeerka ( National Defense Authorization Act ) oo uu qayb ka yahay xeerka ogolaanaya iskaashiga Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawlada Maraykanka,

Diblamaasi Sare Tibor Nagy oo xilal badan kazoo qabtay dalwada Maraynaka ayaa bogiisa Twiterka ku sheegay in madaxwayne Joe Biden uu sexeexay xeerkii ay soo ansixiyeen laba Aqal ee maraykanka kaasi oo muhiimad wayn uleh somaliland.

Xeerkan ayay Hore u soo ansixiyeen Aqalka sare iyo ka hoose ee Barlamaanka Maraykanku, Saxeexa Madaxweyne Biden ayaana ka dhigan inuu dhaqan galay yahay xeerkaasi.

Somaliland iyo Maraykan ayaa iskaashi iyo xidhiidh toos ah oo wada shaqayneed ka yeelan doona dhinacyo kala duwan.

HALKAN KAGA BOGO QORAALKA USA;

 

Exit mobile version