WAJAALE NEWS

Dablay Hubaysan Oo Caawa Magaalada Laascanood Ku Dilay Marxuum Cabdifataax Cabdilaahi (Hadraawi).

Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Qoyskii Uu ka Baxay Marxuum Cabditafaax Oo Caawa lagu Diley laascanood Xukuumadana ugu baaqay in sharciga La Horkeeno Cidii Fulisay Falkaasi!

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga waddani cabdiraxmaan cirro ayaa ka hadlay geerida maxruum cabdifataax oo kamid ahaa masuuliyiinta xisbiga waddani kaasi oo dablay dishay isagoo kazoo baxay salaadii icshaa,i. isagoo tacsi udiray qoyskii iyo shacabka uu ka baxay.

Dhanka kale musharax cirro ayaa xukuumada ugu baaqay in cidii falkaasi gaysatay sharciga la horkeeno.

“Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada, waayeelka, waxgaradka, bulshada Gobolka Sool iyo Shacabka uu ka baxayba ALLE ha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi-Hadraawi oo goor dhaweyd fiidkii Magaaada Laasacaanod gacan ka xaqdaran oo hubeysani ay ku dishay.

Marxuumka oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI isla markaana ku jiray Liiska kuraasta keydka ee Golaha Wakiilada, waxa aan Ilaahay uga baryeynaa in uu dambigiisa dhaafo, jannatul firdowsana geeyo, Xukuumaddana waxa aan ugu baaqeynaa in si degdeg ah Caddaaladda u horkeento dableyda shuftada ah ee sahayatay Marxuumka ajashiisa.

Exit mobile version