Khubaro caalami ah oo ka tirsan kooxda falanqaysa xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, fadhigiisuna yahay magaalada Brussels ee dalka Belgium, ayaa todobaadkan daabacay maqaal ay ku falanqaynayaan xaaladda cakiran ee wakhti xaadirkan ka taagan Somaliland, kuna saadaalinayaan halka ay ku dhammaan karto.
Maqaalka waxa lagu qaadaa dhigay is marin waaga siyaasadeed ee ka dhex taagan mucaaridka iyo xukuumadda. 13-ka November ee bishan socota, iyo 26 December ee sanadkan dhammaadka ahba, waxa loo ballansanaa qabsoomidda laba doorasho oo waaweyn, kuwaas oo la qorshaynayay inay noqdaan laba doorasho oo taariikhi ah, oo wax badan ka beddeli lahaa jihada Somaliland afka saarayso. Hase ahaatee, khilaafka siyaasiga ah ayaa ka dhashay kala horraynta labadan doorasho. Sidoo kale, maqaalka waxa lagu falanqeeyey go’aanka beesha caalamka iyo saamaynta ay ku yeelan karto khilaafka siyaasadeed.
Sida maqaalka lagu xusay, muddo kordhinta muddo xileedka madaxweynaha ayaa Somaliland ka noqotay dhaqan soo jiitamayay intii ay jirtay, kaas oo boog madow ku noqda hab sami u socodka dimuqraadiyaddeeda. Inta badanna, khilaafyada siyaasadeed ee ka dhasha muddo kordhinta ayaa lagu xallin jiray wada-tashi, iyada oo ay hal-hays noqotay in Somaliland wada-tashi iyo isku tanaasul kusoo caana maashay. Hase ahaatee, khilaafka siyaasiga ah ayaa gebi ahaanba ka duwan kuwio hore loo arkay, iyadoo mushkiladdu ka kacday in aan shuruucda dalka waxba uga meel oollin suurogalnimada labada doorasho oo isku soo beegma, waa doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururrada.
Inkasta oo Komishanka Doorashooyinka Qaranku shaaciyey inuu sagaal bilood gudahood ku qaban karo doorashada madaxtooyada, haddana waxa caqabad hor leh noqotay muddo kordhinta labada sano ah ee Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda. Go’aankan dambe, ayaa hubanti la’aan ka dhigaya qabsoomidda doorashada madaxtooyada, sagaalkaas bilahood gudahood.
Khubarada maxadku waxay oddoroseen in xaalka siyaasaddu sii cakirmo, ballanqaadyaduna noqdaan hal bacaad lagu lisay. Waxaanay ku sababeeyeen qodobbadan soo socda:
- Dhinacyada mucaaridka iyo xukuumadda oo aad u sii kala fogaanaya, dhinac walbana muujinayo danayn si loo xalliyo. Si gaar ah, waxay farta ugu fiiqeen xukuumadda oo ka caga jiidaysay dhegaysiga tabashooyinka mucaaridka iyo ergooyinkii isku dayay furdaaminta dhibta. Sidoo kale, waxa hoos u dhacay firfircoonidii lagu yaqaanay Guurtida, iyagoo doorkan ka gaabiyey dedaalladii hore ee lagu yaqaannay.
- Saamaynta qabiilka oo aad kor ugu kacday, marka loo eego doorashooyinkii hore. Arrinkan waxa ka dhashay in qabiil kastaaba xisbigiisa u arko lama taabtaan, isla qabiilka oo noqday cidda sida rasmiga ah u gaadha go’aannada xisbiga, iyagoo daaha dabadiisa ka maamulaya.
- Arrinka saddexaad, ee falanqaynta Maxadka lagu sheegay, caqabadna ku noqon kara xal waara in laga gaadho khilaafka, ayaa ah maalgashiga caalamiga ah ee sanaddadii dambe ka bilaabmay Somaliland. Khubaradani waxay aaminsanyihiin in maalgashigaasi xukuumadda ku abuuri karo isku hallayn, ay markasta ka filato saaxiibbada maalgashiga sameeyey, oo iyaguna danahooda ilaashanaya. Waxaana suurogal ah in xukuumaddu is tusto inay ka maarantay hababkii soo jireenka ahaa ee khilaafaadka lagu xallin jiray. Shirkadda DP World ayaa maalgashatay dekedda Berbera, dalka Taywan ayaa xidhiidho dhow la sameeyey Somaliland, Ingiriiska ayaa maalgalinaya waddooyin muhiim ah, halka dawlado kalena u hanqal taagayaan goobta istiraatiijiga ah ee Somaliland ku taallo. Arrinkani wuxuu keeni karaa in xukuumaddu isku hallayso awoodahaas khaaraiiga ah.
Ugu dambayn, falanqaynta Khubarada maxadku waxay hoosta ka xariiqday dedaallada beesha caalamku wadaan, taas oo noqon karta qaabka ugu muhiimsan ee laga samatabixin karo xaaladda Somaliland ee jarka ka laallaadda. Dhawaan beesha caalamku waxay ku adkeeyeen xukuumadda inay doorashooyinka ku qabato muddada Komishanka Doorashooyinku cayimay, iyo in uu miiska wada-tashiga la fadhiisto axsaabta mucaaridka ah.