WAJAALE NEWS

Miisaaniyada Qaranka Ee 2023 Ma Noqon Doontaa, Mid Xaaladaha Dalka Ku Jaan-go’an Dhinacwalba?

Miisaaniyadu waa qorshaha maaliyadeed ee qaranku sameysto sanadwalba waxaana la mala-awaalaa ( odoros ) dakhliga dalka soo gali doona isaga oo laga qiyaas qaadanayo sanadkii tagey .

Isla sidoo kale waxa lagu sii talogalaa yareynta kharash bixinta iyaga oo laga duulayo waxii barnaamijyo kharash ku baxay ee aan loo baahnayn marka laga reebo kharashaadka hawl socodsiinta ( running cost ) .

Haddaba xiliga lagu jiro oo ay duruufo badani ina soo food saareen qaran ahaan oo qaarna aynu aduunka la wadaagno qaarna inoo gaar yihiin ayaa waxa lagama maarmaan ah in miisaaniyada qaranku si dhab ah ugu qotonto xaaladaha dalku ku jiro iyo duruufaha dalka jamhuuriyada Somaliland.

Hawlihii ina soo maray sanadihii tagey waxa aynu ka xusi karnaa;

1-Covid19 iyo saameyntii caafimaad iyo dhaqaale ee uu dalka ku yeeshay 2020 ilaa 2022.

2-Ayaxii darnaa ee baaniiyey dalagyadii iyo doogii oo sanadihii ugu dambeeyey joogto ahaa.

3-Xaaladihii colaadeed ee dalka Ethiopia ka jiray 2019 ilaa 2021 oo ah dalka aynu ganacsiga ugu badan la leenahay oo saameyn dhaqaale iyo mid kharash amni ba dalka galiyey.

4-Dagaalka Ukraine iyo Russia oo aduunkii ku keenay culeys dhaqaale iyo cuno yaraan baahsan.

5-Qiima dhaca ku yimi lacagta Ethiopia oo uu u saameeyey suuqa ganacsi ee isku xidha dalalka Somaliland iyo Ethiopia iyo waliba Djibouti ee wajaale .

6-Gubashadii suuqii weynaa ee Waaheen Hargeisa oo dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa saameyn dhaqaale daro ku yeeshay.

7-Abaarta baahsan ee Gobolka Geeska Africa haysata oo aynu ka mid nahay oo ay aduunku saadaaliyeen in sanadkani iyo laba sano oo dambe ay jireyso.

8-Masiibooyinkii dabeeciga ahaa sida duufaantii SAGAR oo dalka jamhuuriyada Somaliland iyo dadkiisa dhibaato laxaad leh soo gaadhsiisay.

Dhamaan arimahani iyo waxii ka dhashay waxa ay si toos ah iyo si dadban u taabanayaan dhaqaalaha dalka iyo miisaaniyada qaranka jamhuuriyada Somaliland ee sanadlaha ah.

Waxaana ay sababeen ;

1-in guud ahaan ganacsigii dalku hoos u dhac weyni ku yimid ganacsigii yar-yaraana ( small businesses) ay meeshaba ka baxeen.

2-In dadka jamhuuriyada Somaliland ay ku nool yihiin nolol maceeshad barar ah iyo sicir-barar baahsani jiro oo guud ahaan dalka wada saameeyey.

3-In uu hoos u dhaco wax soosaarkii dalku sida dalaga beeraha iyo xooluhuba sababtuna ay tahay roob yaraanta iyo abaaraha.

Isku soo wada xoori waxa la saadaalinayaa in aan aduunka waxba iska badelayn xaga dhaqaalaha wax kor usii kaca mooyaane maadaama ay bilaabmeen san-saan dagaalo iyo colaado waxaana ka mid ah ;

1-Dagaalka Russia & Ukraine

2-San-saanta dagaal ee China & Taiwan iwm.

Markaa miisaaniyada 2023 ma noqon doontaa mid ka duwan miisaaniyadii 2022 oo wax weyn dalka iyo dadkaba u kordhin karta dhaqaale ahaan , siyaasad ahaana ma lagu sameynayaa aragti ka duwan qaabkii kuwii hore loo sameyn jiray wax waliba aduunka wuu ka dhici karaaye.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama

 

Exit mobile version