WAJAALE NEWS

Jabhada Tplf Oo Shuruud Cusub Ku Xidhay Inay Hubka Dhigaan

MAQALE(W,N)-Madaxda TPLF ayaa mar kale ka dhawaajiyay in ayna Ciidamadoodu hubka dhigayn illaa dammaanad buuxda oo dhinaca ammaankooda ay ka helayaan shacabka gobolka Tigray ee ay iyagu maamulaan.

Afhayeenka TPLF Getachow Reda ayaa shir jaraa’id oo maalintii shalay ahayd qabtay waxa uu ku sheegay in shacabka gobolka Tigray ay u baahan yihiin cid sugta amnigooda, maadaama wali dhulka Tigray ay ku sugan yihiin Ciidammada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, sidaasi darteedna ayna TPLF hubka laga dhigayn ilaa shacabka Tigray amnigooda laga dammaanad qaadayo, waa siduu hadalka u dhigay Afhayeenka TPLF.

Hore TPLF waxa ay ka biyo diiday joogitaanka Ciidamada Eritariya iyo kuwa degaanka Axmaarada, oo ay joogitaankooda ku xidhay hub ka dhigista TPLF.

Arrinka hub ka dhigista TPLF ayaa qayb ka ahaa qodobadii dhawaan heshiiska ay ku gaadheen TPLF iyo dowladda Itoobiya, waxaanad moodaa arrintaasi mid waxyeeli karta heshiiskaas maadaama TPLF ay hub ka dhigisteedii ku xidhay inay Eritariya ka baxdo dhulkeeda, dowladda Itoobiyana ayna ka wali ka hadlin joogitaanka Ciidamada Eritariya ee dhulka Tigray.

 

Exit mobile version