WAJAALE NEWS

Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Dhagax-dhigay Dhisme Ay Yeelanayso Maxkamadda Degmada Dila.

DILA(W,N)–Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, oo ay wehelinayeen la taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, Sh. Idiris Axmed Muuse Xoghayaha fullinta Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed, Guddoomiyaha Degmada Dila Aadan Cismaan Sidci, Cuqaasha Degmada iyo Ijineer Axmed Naasir Mawliid oo ku hadlayay afka shirkadda ESCO oo ah shirkadda dhismaha ku guulaysatay, ayaa sabtida maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Maxkamadda Degmada Dila.

Maxkamadda Degmada Dila ee Gobolka Awdal ayaa muddo ku jirtay hal xafiis oo kiro ah, halka maanta loo dhagax-dhigay dhisme ay yeelanayso oo ka kooban afar (4) xafiis iyo hoolkii dacwadaha, kaasi oo Degmada u horseedi doona deg-degsiimo dhanka dacwadaha ah iyo faallal dhanka shaqada ah.

Ugu horayn Guddoomiyaha Degmada Dila Aadan Cismaan Sidci ayaa ka waramay maraaxilkii uu soo maray dhulka hadda laga yagleelayo dhismaha Maxkamadda iyo sida ay lama-huraanka u noqotay in Maxkamaddu hesho dhisme iyo xafiisyo ay leedahay. geesta kale waxa kalmado ku qotoma faa’iidada uu dhismahani u yeelanayo Degmada ka waramay qaar kamid ah cuqaasha deegaanka oo goobta dhagax-dhiga ku sugnaa, waxaanay xuseen in baahi weyn deegaanku u qabay dhismahani oo ay muddo naawilayeen, isla markaana waxay uga mahadceliyeen masuuliyiintii ka soo shaqaysay hirgalinta dhismaha.

Sidoo kale Xoghayaha fulinta Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed, ayaa hoosta ka xarriiqay in Maxkamaduhu ay laf-dhabar u yihiin xasiloonida iyo degenaanshiyaha bulshada, maadaama ay ka garnaqaan khilaafyada iyo arrin kasta oo la isku maan-dhaafo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal Sh. Idiris Axmed Muuse ayaa dhankiisa Maxkamadda Sare ku bogaadiyay sida ay heeganka ugu tahay horumarinta maxkamadaha oo ay ugu horayso xoojinta dhismayaasha, waxaanu tibaaxay sida dhismahani Degmada uga haqab-tiri doono baahidii dhanka xafiiska ee ka jirtay isla markaana ugu horseedi doono hufnaan iyo shaqo wanaag.

Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele ayaa sheegay in qorshaha ugu weyn ee Maxkamadda Sare yahay in deegaan kasta oo dalka ka tirsani yeesho dhisme Maxkamadeed, kaasi oo bulshada u fidiya adeega Garsoorka, ee ay xaqa u leeyihiin, waxaanu xusay in dhismahanina kuwaasi kamid yahay. Gunnaanadkiina waxa uu shirkadda ESCO oo dhismaha ku guulaysatay kula dardaarmay in dhismaha sida ugu tayada fiican u dhisaan isla markaana doorkooda ka qaataan, maadaama Qaranku leeyahay.

 

Exit mobile version