WAJAALE NEWS

Dablay Hubaysan Oo Ka Dilaacday Jidka Isku Xidha Magaalooyinka Dila Iyo Boorama Iyo Saamaynta ay Ku Yeelatay Isku Socodka Hargaysa Iyo Boorama

Hargaysa(wajaalenews)Wararka naga soo gaadhaya gobolka Awdal ayaa sheegay in maanta ay dablay hubaysan oo ku hubaysan hubka fudud noocyadiisa kala duwan ay dad socdaala u galeen wadada isku xidha magaaloooyinka Dila iyo Boorama dablaydan  ayaa sida noo sheegeen dad goob joogayaal ah   joojinaya gaadiidka iskaga kala goosha magaalooyinka Hargaysa Iyo Boorama, waxaanay tani cabsi galisay dadka iska safra gobolada galbeedka oo ah dadka ugu socodka badan, ma cada ujeedada rasmiga ah ee ka danbaysa dablaydan balse badhasaabka gobolka Awdal oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka ayaanay noo suuro galin in aanu helno, warka oo uguba awgii wali ma cada wax khasaare ah oo ay gaysteen balse wixii warar ee ka soo kordha dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa.
Dhinaca kale waxaa maanta magaalada boorama ka socda mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo xadhiga maayar ku xigeenkiii hore ee Boorama

Exit mobile version