WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Oo Magaalada Baligubadle Ka Dhagax Dhigay Dhisme Cusub

Baligubadle(W,N)-Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha  Qaranka oo ay  weheliyaan Taliyaha Ciidamadda  Socdaalka, Badhasaabka Gobolka Hawd, Maayirka Degmada Baligubadle iyo Saraakiil ka kala socday Hay’addaha UNCR iyo NRC ayaa maanta Magaaladdaasi si wada jira uga  dhagax-dhigay dhisme cusub  oo loo binayn doono Ciidanka laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Hawd.

Dhagax dhiga dhismahan ayaa ka danbeeyay heshiis ay sanadkan horaantiisii wada galeen hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo hay’adda UNHCR. Kaas oo ku sahabsanaa in sideed xafiis meelaha xuduudaha ah looga  dhiso ciidamada socdaalka iyo ilaalada xuduudaha JSL.

Xafiisyadan ayaa sidoo kale loogu talo galay inay la socdaan yereeyaanna dadka socotada iyo Qaxoontiga ah ee isaga gudbaya Xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddamada Dariska ah.

 

Exit mobile version