BAKI (W,N)-Wefti uu hoggaaminayo Musharraxa madaxweyne ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta Jeelka degmada Baki ee gobolka Awdal ku booqday masuuliyiinta xisbiga ee ilaa horraantii bisha August sida sharci darrada ah halkaasi ugu xidhan xukumadda wakhtigeedu dhammaanayo.
Musharraxa iyo masuuliyiinta wehelinayay ayaa u kuur galay xaaladda masuuliyiinta ay ka mid yihiin Xoghayaha ciyaaraha ee Xisbiga iyo guddoomayah gobolka Maroodijeex ee Baki ku xidhan.
Gudoomiye kuxigeenka xisbiga Waddani axmed cumar xaaji cabdilaahi (Xamarje) ayaa ka warbixiyay xaalada maxaabiista xisbiga iyo suldaan ibraahim sulub eek u xidhan xabsiga magaalada baki oo katirsan gobolka awdal.