WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jsl Oo Kulan La Qaatay Dhallinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Gabiley.

Gabiley(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku joogo gobolka Gabiley, ayaa galabta kulan la qaatay dhallinyarada iyo aqoonyahanka reer Gabiley, waxana ay iska xog-waraysteen xaaladda guud ee deegaanka, horumarka ka hirgalay iyo mashaariicda ay xukuumaddu ka hirgelisay.

Qaybaha kala duwan ee aqoonyahanka reer Gabiley, ayaa madaxweynaha goobta ku weydiiyey su’aalo la xidhiidha qorsheyaasha xukuumadda ee deegaanka iyo waxyaabihii ka fulay ballamihiii dawladda ee Gabiley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalihii ay aqoonyahanku halkaas ku weydiiyeen, waxana uu tilmaamay in ka madaxweyne ahaan ay deegaannada dalka oo dhammi u siman yihiin, waxqabadka xukuumadda uu hoggaamiyaana ku salaysan yahay hadba baahida taalla gobollada dalka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKA MADAXWAYNAHA;

Exit mobile version