WAJAALE NEWS

“Ma Jiro Kulan Gaara Oo Xisbiga Waddani Ka Dalbaday Madaxweynaha”Gudoomiye Xirsi.

Waxaa socday maalmahan wadahadal u dhexeeyay xisbiyada macaaradka ah iyo xukuumadda oo ay dhexdhexaad ka ahaayeen labada Guddoomiye ee golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Kulankii maanta waxaa baajiyay labada Oday, mana jiro kulan gaar ah oo Xisbiga Waddani ka dalbaday Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, haba yaraatee. Waxa aannu gartayadii oo Af iyo qoraalba ah u dhiibnay Odayada dhexdhexaadka ah, iyaga ayaannuna ka war sugaynnaa berrito, insha allaah.”

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji  Xasan ayaa sidaasi ku yidhi qoraal Uu ku Baahiyay Bartiisa facebookga

Hadal kasoo baxay Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaa imanaya kadib markii baraha Bulshada ay kooxo Xukuumada iyo ururada cusub taageersani baahiyeen warar been abuur oo ay ku sheegayaan in xisbiga Waddani dalbaday kulan gaar ah oo Madaxwaynaha Ah.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

Exit mobile version