WAJAALE NEWS

Xisbiyada Mucaaridka Oo Shaaciyay In Ay Hakiyeen Mudo haraadkii Ay Maalinta Bari Ah Ugu Talo Galeen Inay Dalka Ka Dhacaan.

HARGAYSA(W,N)-Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Wadani Iyo Ucid oo caawa shir jaraaid ku qabtay magaalada hargaysa ayaa shaaciyay in hakiyeen mudo haraadkii ay hore iclaamiyeen in maalinta bari ah dalka ka dhacaan kadib markii ay utimid ergo isku xil saartay dhexdhexaadka khilaafka dalka ka taagan ee xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada.

Sidoo kale madaxda xisbiyada mucaaridka ayaa sheegay in ay mudo haraadada sii wadi doonaan hadii ay midho dhali waayaan wahadalka iyo dhexdhexaadinta ay wadaan madaxdhaqameedka iyo culimada dalku.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version