WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Wakiilka Dawlada Ingiriiska Ufadhida Somaliland Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!

HARGAYSA9W,N)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed,  ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay #Lizzie_Walker oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa.

Kulankan dhex maray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Wakiilka Somaliland u joogta Dawladda Ingiriiska, ayaa lagaga wada hadlay arrimo ku saabsan xidhiidhka wada shaqayneed ee xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeisa iyo Golaha Wakiillada Somaliland iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka iyo sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka siyaasiga ah ee dalka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland Xasan Xiis iyo Muhumed Khadar oo ah Madax siyaasadda iyo wada xidhiidhka ee Xafiiska Ingiriiska ee Magaalada Hargeysa.

 

 

Exit mobile version