WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Ugandha Museveni Oo Dallacsiiyay Wiilkiisa.

Hargeisa(WJN):-Madaxweynaha dalka Ugandha, Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa curadka ah dallacsiiyay, wuxuuna ka dhigay lataliyaha gaarka ah ee madaxtooyada, ka dib isku shaandheen uu ku sameeyay ciidamada.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, ayaa si xowli ah sare ugu kacay ciidamada militariga dhexdooda.

Waxaa jiro hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in loo diyaarinaayo inuu qabto xilka madaxweynaha ee Ugandha.

Dadka falanqeeya siyaasaddda waxay sheegayaan in shaqada cusub ee loo dhiibay ee ah inuu ka shaqeeyo madaxtooyada ay sare u qaadeyso khibradiisa.

Museveni, oo 72 sano jir ah, waxa uu ka mid yahay madaxweynayaasha Afrika ee muddada dheer maamulka haya.

Wuxuu awoodda la wareegay 1986-dii, ka dib markuu ku guuleystay shan sano oo

dagaal sokeeye ah.

Sanadkii tagay ayuu mar shanaad ku guuleystay doorashada, wuxuuna helay boqolkiiba 60 codadkii la dhiibtay.

Gaashaanle Sare Muhoozi Kainerugaba, oo 42 sano jir ah, wuxuu maamulaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo ilaalada aabihii tan iyo sanadkii 2008dii.

Wuxuu ka soo baxay machadka militariga ee boqortooyada UK, sanadkii 2000. 2016kii ayaana laga dhigay Gaashaanle Sare.

Sources:BBC.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net

Exit mobile version