WAJAALE NEWS

Go’aamada Ka Soo Baxay Xukuumadda Ma Lagu Gaadhi Karaa Xalka Caqabadaha Taagan?

“Markay dani meeday tidhi, maxaan talo meel ka deyey;

Markay dani maaha tidhi, weydiiyey, qof meel ka deyey,

Markay dani maaha tidhi, ku laabtay halkaan ka deyey;

Markay dani maaha tidhi, ka sii deyey meel la deyey!  (Tuduc ka mid ah Gabayga Daba Huwan, ee Maxamad I. Warsame “Hadraawi”.)

Shalay go’aamo ayaa ka soo baxay xukuumadda halkii ugu sarreysay oo ah Madaxweynaha JSL, Madaxweyne-xigeenka, iyo guddiga dhaqaalaha ee Golaha Wasiirrada oo ka koobnaa Wasiirka Maaliyadda, Ganacsiga, Xanaanadda xoolaha, Waddooyinka, Maalgashiga Beeraha, iyo macdanta iyo tamarta oo Md. Cabdiraxmaan Saylici warbaahinta u akhriyey, waxa lagu sheegay in xal looga gaadhayo caqabado badan oo dalka ka taagan, oo ay ugu weyn tahay sarre-u-kaca qiimaha maciishada daruuriga ah, xaaladaha abaaraha dalka ka taagan iyo khilaafyada gudaha oo doorashooyin la isku haysto iyamaa soo hormaraysa?.

Xilligan, oo xaqiiqdii bulshadii dalku boqolkiiba todobaatan xaaladooda nololeed ilaahay SW ogyahay, laakiin runtiina ay culays aad u weyni saaran yahay, sidday ku helaan saddexda wakhti, ayaan dhinaca kale, go’aamadu u muuqanin kuwo caqabadaha jira aan ka jawaabayn, ama wax ka tarayn, isla markaana dadka inta lexejeclo ka hayso dalka iyo dadka wanaagoodu niyadjab ku ridayo.

Xukuumaddu waajibaadkeeda ugu weyn marka laga yimaado suggida nabadgelyadda waa u jiheynta bulshada badhaadhaha iyo dariiqa ay nolosha adag kaga baxayaan.

Qof kastoo islaam ah waa ku waajib inuu ka fikiro, lana socdo xaaladda walaalahiisa islaamka ah, badhaadhe iyo dhibaato hadba kay ku jiraan, oo xilliga badhaadhaha ay ku baraarujiyaan inay ilaahay SW ugu mahadceliyaan, xilliga dhibaatooyinkana Ilaahay SW u soo noqdaan, dembi dhaafna weydiistaan, si uu dhibaatada uga dulqaado.

Adduunka wax sabab la’aan u dhacaa ma jiraan, dhibaataduna nooca ay doonto ha noqotee, waxay ku timaadaa dunuub ummada ay haleeshay geysteen.

Haddaba dhibaatada maanta dalkeenna iyo dunida islaamka in badan ka taagan, xalkeeda koowaad ee lagaga bixi karo waa in ILAAHAY SW ummadu u soo noqoto, dembi-dhaafna weydiistaan, sidaa waxaan ahayn oo lagaga bixi karo ninkii hayow adigu raadi!

Halkan xukuumadeennu hadday xalkii mushkiladaha is-biirsaday ee dalkeenna ka taagan ka baadhi weyday kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulku NNKH, ugu yaraan waxay ahayd inay talaabooyin cadcad oo ummadu yididiilo u arki karto soo saaraan.

Maxaa la samayn karaa?

Sida tuduca gabayga Hadraawi ee aan sare ku sheegay, marka xal arrin la doonayo waa in dariiqdeeda la abaaro, sidoo kalena aan meel keliya laga deyin ee baadi-doonkeeda loo tallo badsado, taasoo ku habboonayd xukuumaddu inay u marto, haddana, haddii ay go’aamo soo saareen, Kollay aniga fikirkayga gaaban waxaan odhan lahaa, kuna biirin lahaa xalka caqabadaha taagan, xukuumadda talaabooyin badan ayaa u furan haddii ay si wanaagsan u raadiso xalka lagaga bixi karo caqabadaha is-biirsaday ee dalka ka taagan, waxaanan ku soo koobi karaa;

Marka ummadu xalka koowaad ka raadiso kitaabka iyo sunnaha, furdaaminta arrimaha aduunyadda, si loo helo hoos u dhac ku yimaada qiimaha maciishadda daruuriga ah, waa in xukuumaddu qaado talaabooyin lagu kordhinayo cuntada gudaha ee bulshada Somaliland, si taa loo gaadhana, waa in;

QALINKII;  Mohamoud Ali Walaaleye

Tell. 00-252-63-4001235

Freelance Reporter

 

Exit mobile version