Hargeysa-(W,N)-Fadhigii 92aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay qodobbo door ah oo taabanaya nolosha Bulshada.
Ugu horreyn golaha waxa loo qaybiyey qabyo-qoraalka xeerka Ciidanka Dab-damiska Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu soo diyaariyey xafiiska Garyaqaanka guud ee Qaranku, xeerkan oo ah mid muhiimad gaara u leh Ciidanka Dab-damiska iyo qabyo-qoraalka xeer nidaamka dhismaha Madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo diyaariyeen xafiiska Garyaqaanka Guud, Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka, iyagoo Garyaqaanada xeerarkan soo diyaariyey ay golaha u sharraxeen cutubyada ay labadan xeer ka kooban yihiin iyo meelaha uu ahmiyadda saarayo.
Sidoo, kale Goluhu waxa uu war-bixino ka dhaqaystay wasiirrada wasaaradaha Gaadiidka iyo Jidadka, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga, Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka, Horumarinta Biyaha iyo Waxbarashada iyo sayniska oo dhammaantood ka soo guryo noqday safarro ay ku tageen dalalka Sweden, Norway, Kenya, Turkey iyo Maraykanka, kuwaas oo golaha la wadaagay safarradii ay dalalkaasi ku soo mareen iyo guulihii ay ka soo hooyeen munaasibadihii xuska 18 May ee ay kala qayb-galeen bulshada Reer Somaliland ee ku dhaqan wadamadaa.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa golaha uga warbixiyey xaaladda sicir-bararka ee dalka ka taagan, sababaha keenay iyo tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadday oo ay barbar socdaan qorsheyaasha qaran ee xukuumaddu wax kaga qabanayso mustaqbalka. Wasiirku waxa uu sheegay inay jirto kor ukac ku yimi qiimaha cuntooyinka quutal daruuriga ah iyo shidaalka bulshadu isticmaasho, iyadoo qiime kacaasina ka yimi waddamada caalamka xaalado jira aawadood.
Korodhka ku yimi qiimaha maciishadda iyo daruuriyaadka kale, ayuu wasiirku mid mid golaha ugu akhriyey, waxana uu caddeeyey in Bariiska 25 kg qiimihiisu marayo $17, Sonkorta 25kg ay marayso $17, Daqiiqda 25Kg waxa ay maanta qiimaheedu maraysaa $17, Saliidda cuntada 9 litir, waxa ay maraysaa $14, Baastada 10Kg, ayuu qiimaheedu marayaa $11, halka shidaalka Halkiisa litir, uu maanta marayo 97,000 oo shilin Somaliland ah.
Sababaha keenaya sicir-bararka, ayuu sidoo kale wasiirku sharraxay, waxana uu tilmaamay in inta badan sicir-bararka Somaliland ka jiraa uu yahay mid dunida kale ka yimi, sababo la xidhiidha xanuunkii Covid-19 ee dunida ka dhacay iyo dagaalka muddada ka dhex socda waddamada Ruushka iyo Ukrain, iyada oo waddamo badan oo caalamka kamid ahina ay joojiyeen cuntooyinkii ay dibadda u dhoofin jireen.
Tallaaboyinka ay xukuumaddu qaadday tan iyo intii uu sicir-bararkani dunida ka dhacay, ayuu wasiirku mid mid u sharraxay, waxana ay xukuumaddu qaadday tallaabooyinkan soo socda.
1.Wasiirku waxa uu sheegay inay cashuur dhaaf u sameeyeen dhammaanba qalabka iyo agabka beeraha ee dalka la keenayo iyo wershadaha cuntadaba.
- Afar shay oo waaweyn oo nolosha bulshada muhiim u ah ayaa cashuurtii laga dhaafay Boqolkiiba toban (10%), kuwaas oo kala ah Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda iyo Saliidda.
- Waxa la dhiirrigeliyey wax soo saarka dalka, waxana miisaaniyadda qaranka sannadkan la geliyey lacag dhan Afar Bilyan oo Somaliland shilin ah. Kuwaas oo kala ah mashruuca Wajaale, Beer iyo Oodweyne, mashruuca Cilmi-baadhista iyo fidinta, mashruuca ilaalinta cudurrada dhirta iyo mashruuc aannu ugu talo galnay inaanu beeralayda wax kaga iibsanno xilliga dalaggu usoo go’o si aanu sicirku hoos uga dhicin.
4.Waxa la ilaaliyey qiimaha shilinka Somaliland oo meel sugan oo aanu hoos uga dhicin lagu fadhiisiyey muddo afar sanno ah.
5.Waxa kor loo qaaday xaddiga sulfer ka shidaalka dibadda inooga imanaya, maddaama ka sulfer ka sarreeyaa ka jaban yahay ka kale.
6.Waxa xukuumaddu raashin taakulo ah u qaybisay 58,620 (Siddeed iyo konton kun lix boqol iyo labaatan) qoys, oo u dhiganta 351,720 qof.
Wasiirku waxa uu soo jeediyey in lasii wado dhammaanba tallaabooyinka ay xukuumaddu ku yaraynayso sicir-bararka, dadkana lagu dhiirrigeliyo inay dhulkooda beertaan, ganacsatadana lagu adkeeyo inay dhulkooda maalgashadaan,