WAXA SOO SOCDAA YAAB LEH! Q.4aad
Somaliland Aakhirka Waa Inta Muuse Biixi ka soo hadha ee tolow intay noqon doontaa? Anigu waxan ka baqayaaba in ay waxbaba ka soo hadhi waayaan hadii midnimadeeda wadajirkeeda iyo wax wada lahaanshaheeda la waayo. Xubin komishan ah uu isagu soo magacaabay wixii ka dhacay baynu ogayn. Maanta kursigii uu ku fadhiyay ayaa la leeyahay soo dhig waa lagugula tartamayaa oo waa dhamaad muddadii lagu doortaye.
Sida Aan u Arko Muuse Kuma talo jiro in uu tartan labaad galo oo sanduuq iyo warqad kursiga ku baneeyo. Hadii uu u arko in laga helayo doorashada uu qabanayaa ma jirto, si uu kuriga ugu sii fadhiyo inta uu isagu doonayo. Kolka inta uu doonayo sii haysto hadhow musharax kale keeno uu yidhaa ha ka helaan hadaba kaa aniga Cirro iga adkaan maayo eh.
Hadda inta uu isagu uu qalayo ragna way qaybinayaan. Hadii Muuse isku halaynayo awoodda kursiga muddadii loo doortay ay dhamaatay uu rumaysto in cid kasta uu ku muquunin karo waa markaa marka xaaladda Somaliland ay halis u tahay in ay gaadhi karto heer aanay gaadhin tan iyo 1997kii. Ragga marka la xiniinyo taabto in quudhsi uu ogolaado wuxu ka xigaa wax kasta oo kale. Hadda ogow waxa la yidhi cadowgaaga cadowgiisu waa saaxiibkaa eh. Kibirka iyo isla waynidu Muuse hadii aanay gaadhsiinin heer uu Madaxwaynaha Muqdisho kaga taageero bato Hargeysa iyo Burco wixii kaleba waa saleelo. Markaa Allow yaa la taliya oo ku yidhaa “waar hooy xaaladda ha gaadhsiinin meel aanad hadhow ka soo celin karin”. Oo miyuu ka qadanayaa ilaa uu gidaarka soo hirdiyo ragba wax lama aha waxna iskaga tirin maayo eh.
ELECTIONWATCH
SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALIGUREY”