Muuse Biixi wuxu arinkii doorashada ka baxay markii uu ogaaday in aanay jirin fursad uu doorashada ku guulaysan karo. Waa markaa marka uu Doorashadii Guurtida ka hadhay arinta doorashada ururada/xisbiyada in la soo hormariyo soo tuuray ragna soo ciyaarsiiyay. Doorashada Madaxtooyada in uu ku baabi’iyo sheekada ururada wax kale maaha ee isaga ayaa u qiil samaysanaya muddo kordhin.
Laakiin wixiisa oo dhan ayaa wada farsamo badow ah sida ay ku dambaynayso doorasho sanadkan Somaliland ka qabsoonta iyada tuur.
Taasina waxay khilaafkan gaadhsiin doontaa meel aanu Muuse Biixi ka soo celin karin. Waa markaa marka uu miyirsan doono waase goor ay talo faro ka haaday xalkuna gacantiisa ka baxay., balse Ilaa hadda kubaddu isaga ayay la taal xalkana gacantiisa ku haya. Ha yeeshe ma oga in wakhti ku socdo isaga ayaa isla wayn. Markaa tiisa ha loo daayo waa Muuse oo isaga tiisa bir baa ugu go’an oo ma jirto cid keliya uu wax ka dhegaysanayaaye. Inta ka ag dhawi way uun maleeyaan ee ma jiro qof uu wax dhan u sheegaa. Aroorba waa sida uu ku soo tooso iyo humaagiisa beenta ah iyo kolba waxa istusa iyo sida uu jecel yahay.
Kol hadii sheekadu been abuur iyo madabidaad ka gaadhay madaxda mucaaridku maaha in kulan qarsoodi ah la galaan beenaale iyo beenshwegayaasgiisa. Waa in la dhex joogaa hadiiba ay qasab noqoto in ay la kulmaan. Weliba maaha in ay ogolaadaan inu cid u soo diro uu wada hadla ku yidhaa. Qof wax ah oo kale ma jiro isaga ayaa keligii jira ee cid kale yaanu ku habsaamin wakhtigana kaga lumin. Isaga ayay keligii wax ka go’aan haduu wadahadal ogol yahay.
Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga.