WAJAALE NEWS

Waxaan Aad Uga Xumahay Masiibada Dabka Ah Ee Xalay Ku Habsatay Suuqii Halbowlaha Ganacsiga Ee Magaalada Hargeisa,Waana Masiibo Qaran” Garyaqaan Timo.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud “Timo” Oo Soo Bandhigay Talooyin Iyo Xeerar Ay Ubaahan Yihiin In loo Sameeyay Ciidanka Dabdamiska Iyo  sidii wax looga baran lahaa Masiibadan Dabka.

HARGAYSA(W,N)-Garyaqaan Maxamed Maxamuud xaashi timo oo kamid ah bahda sharciga ee Somaliland ayaa ka dareen celiyay dabkii habeenkii xalay qabsaday suuqa waaheen ee badhtamaha hargaysa isagoo dareenkiisa la wadaagay dadka ay masiibadani saamaysay.

Sidoo kale garyaqaan timo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in wax laga barto masiibadan islamarkaana la diyaariyo xeerarkii iyo shuruucdii lagu tayayn lahaa ciidamada dab damiska xeerka ganacsiga iagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi;

“Ugu Horayn Waxaan ka Tacsiyadaynayaa Walaalaheena Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee ay Hantidoodii Ku Baaba’day Kuna Shuf beeshay Suuqii Waaheen, Waxaan leeyahay Ilaahay Cawil celin ha idinka iyo Qaranka JSL ha ina siiyo bi idnilaahi kariim.

Dhamaanteen bulshada reer Somaliland waxaynu nahay dad Iyo dowlad cusub oo aanay u soo marin Masiibooyinka noocan ah oo kale waana dhacdo ay tahay inaynu ku cibro qaadano kana diyaar garowno sidii aynu uga hortagi lahayn dhibaatooyinka noocan oo kale ah,

Manta waxaan usoo jeedinayaa Shacabka reer Somaliland ee geesiyada ah inay la shaqeeyaan musuuliyiinta dowlada ee heeganka ugu jira sidii loo bakhtiin lahaa dabka aniga oo ku amaanaya gurmadka geesinimada leh ee ay ilaa xalay dadwaynaha reer Somaliland ay uga qayb-qaadanayeen bakhtiin dabkan.

Waxa kale oo aan masuuliyiinta Qaranka JSL u soo jeedinayaa talo aan isleeyahay fikir ahaan waxay jawaab u noqonaysaa ficiladii xalay dhacay, ee sababay in xataa la bakhtiin kari waayo dabkii socday, waxaan leeyahay walaalayaal qadarku waa dhacaa oo waa wax awoodeena bili aadanimo ka baxsan laakiin waa inaynu garano inta aan inagu ku leenahay ee ay tahay inaynu ka digtoonaano sidii aynu uga hortagi lahayn dhibaatooyinka noocan oo kale ah,waxaana soo jeedinayaa in la qaado talaabooyinka heer qaran ah oo kale ah .

1;In Ciidanka Dabdamiska Xeer gaar ah oo deg deg ah loo sameeyo si ay uga hortagi karaan masiibooyinka noocan oo kale ah,waayo ma jiro awood ay leeyihiin oo xeer jideeyey oo ay ku badbaadin karaan kana gudbi karaan caqabadaha ka hor imanaya ee ka hor istaagaya inay wax badbaadiyaan , sida xalayba dhacday waayo bakhtiintii Xalay waxay waayeen Dab-daminsku inay galaan gudaha, waxaana gubashada badan sababtay galintaan la’aanta gudaha Suuqa, xeerkani wuxuu dawo ka yahay oo uu awood u siinayaa Ciidanka Dabdamiska inay Albaab jabin karaan ,guri dumin karaan, islamarkaana ay talaabo kasta oo ay naf ama dan caam ah ku bad-baadinayaanba waa inay qaadi karaan waana sida kaliya ee ay inagu caawin karaan ugana hortagi karaan masiibooyinka dabka ee noocan ah.

2;waa in Miisaaniyada Qaranka JSL Ciidanka Dabdamiska loo kordhiyo si loo tayeeyo ,qalabkii Dabdamiskana loogu keeno si ay xaqiiqo ahaan inoo caawin karaan, waana in Xukumada iyo goleyaasha sharci dajintu arinkan ay Xeer deg deg ah oo lagu daboolo baahidaa dhabta ee aynu xalayba aragnay  loogu daboolo,

3;Sidoo kale Maayorka caasimada iyo golihiisa deegaankaba waa inay diyaariyaan xeer deg deg ah oo lagu xakamaynayo ka ganacsiga goobaha Suuqa, iyo dhisida nidaam nabad-galyo ah loogu ganacsan karo, khatartana lagu yarayn karo , shacabkana suuqana lagu Xakaymaynayo, cidkasta oo jabisana lagu ciqaabayo, taasi waxay dawo ka tahay oo ay suurto galinaysa in uu Maayorka Caasimada Xakamayn karo, bad-baadin karo dhacdooyinka noocan oo kale ee sababay in la waayo wado laga galo suuqan ganacsiga si loo bakhtiiyo, ama loogu gurman lahaa, waana ta xalay kaliftay in la gali kari waayo, waayo Maayorka Caasimada wuu dadaalay laakiin walalayaal waxa gacanta ka xidhaya waa xeer la’aan.

4;ugu danbayn waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa inay la hogaansamayan Madaxda u adeegaysa ee ka fikiraysa badbaadadooda sida Maayorka Caasimada iyo Ciidanka Dabdamiska oo naftoodii iyo juhdigoodiiba u horay ilaa xalay siday uga hortagi lahaayeen yaraynta masiibadan dabka ah.

Garyaqaan Maxamed Maxamuud xaashi “Timo”

Exit mobile version