WAJAALE NEWS

Diyaarad Qaad u soo sidday Muqdisho oo ku burburtay Magaalada Nairobi ;Daawo Sawiro

NAIROBI(Wajaalenews) ;Diyaarad Qaad u soo siday Soomaaliya ayaa saaka ku burburtay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Niarobi, iyadoo ay ku dhinteen afar qof oo ahaa Shaqaalihii diyaaradda

 

 

 

 

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddu ay ku dhacday dhisme ku yaalla garoonka wax yar kaddib markii ay duushay garoonka, taasoo keentay inay burburto, iyadoo aysan jirin cid kale oo waxyeello kasoo gaartay burburka diyaaraddan.

“Diyaarad Oo nooceedu ahaa Fokker 50 ayna saarnaayeen afar shaqaale ah ayaa saaka ku burburtay dhisme ku dhow garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta,” sidaa waxaa lagu sheegay qoraal ay soo saareen maamulka garoonka caalamiga ah ee Nairobi.

Sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in diyaaraddu ay ku dul dhacday dhisme ganacsi oo ka kooban dukaammo iyo bakhaarro, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Kenya ayaa sheegay in dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda ay dhinteen. “Dhammaan afartii qof ee saarnaa diyaaradda way geeriyoodeen… diyaaradda waxaa qabsatay cillad xagga dabka ah, taasoo sabab u noqotay inay dhacdo,” ayaa lagu yiri warbixin booliisku soo saareen.

Qiiq madow ayaa ka kacay dhismaha ay diyaaraddu ku dhacday, kuwaasoo qaar ka mid ah u muuqday inay ahaayeen kuwo ay dhisme ku socotay. Iyadoo agagaarka garoonka ay ku yaallaan warshado iyo sidoo kale dhismayaal la dagan yahay iyo dukaamo.

Ururka bisha Case e Kenya ayaa sheegay inay heleen maydka hal qof oo ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayna wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan dadkii kale ee ku dhintay shilkan diyaaradeed.

 

 

 

 

 

 

Dhanka kale, madaxa garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta, Eric Kiraithe ayaa u sheegay warbaahinta in muddo kooban la xiray garoonka markii uu shilku dhacay, balse ay dib u fureen, haddana uu garoonku si caadi ah u furan yahay.

Ciidamada booliiska iyo kuwa sirdoonka Kenya ayaa gaaray goobta ay diyaaraddu ku dhacday, iyagoo halkaas baaritaanno kawada, waxaana diyaaraddan ay ka mid ahayd diyaarado maalin walba Qaadka u soo qaadi jiray Soomaaliya.

Diyaaradaha Qaadka sida ee Soomaaliya yimaada ayaa aad u soo kordhaya maalmihii lasoo dhaafay, kaddib markii xukuumadda Britain ay si rasmi ah uga mamnuucday dalkeeda ka ganacsiga iyo cunista Qaadka.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version