WAJAALE NEWS

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Kenya Mwai Kibaki Oo Geeriyooday.

NARIOBI(W,N)-Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa dhintay , sida uu shaaciyay madaxweynaha Talada Dalka Kenya Hada Haya Ee Uhuru Kenyatta.

Mwai Kibaki Ayaa Ahaa Madaxweynihii Saddaxaad ee soo mara Kenya, Isagoo  Majaraha U Hayey Dalkaasi  Sanadihii 2002- 2012-kii.

Mwai Kibaki Ayay Da’diisu ay ahayd 90 Sanno Jir.

Xildhibaan Mohamed Hussein Jama-Rambo oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay geerida Mwai Kibaki waxaanu yidhi sida tan:

Shirkii madaxda Afrika oo aan saxafi ahaan Addis Ababa kaga qayb galay bishii February sannadkii 2010,  ayuu ka mid ahaa madaxdii qaarada ee shirka ka qayb gashay, waxaana sawirka ka sakow aniga iyo Mwai Kibaki ka muuqda Wasiirkii Khaarajiga ee Kenya ee wakhtigaas Moses Wetangula,  Wasiirkii Khaarajiga ee Maamulkii Marxuum Qadaafi Alle haw naxariistee, Mr.Moussa Koussa oo markii kacdoonku ku bilaabmay u baxsaday dalka UK, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaas ahaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Shariif Xasan oo u ahaa raysalwasaare-xigeen iyo wasiirka maaliyada iyo madax kale.

Intii uu talada hayay 2003-2013, wuxuu xidhiidh la lahaa Jamhuuriyada Somaliland.

Waan ka tacsiyadaynayaa dawlada iyo shacabka Kenya geerida Mwai Kibaki.

Exit mobile version