HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa ugu horrayn ganacsatada uga mahadnaqay sida waddaniyadda iyo walaaltinimada leh ee ay qaadhaanka suuqa Waaheen uga qayb qaateen, waxana uu yidhi,“Ganacsatada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, inta caawa halkan timi iyo inta maqanba aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waxana ay kasoo baxeen waajibkoodii islaamnimo, waxay kasoo baxeen waajibkoodii walaalnimo, waxay kasoo baxeen waajibkoodii waddaninimo, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa, waanan u mahadnaqayaa.”
Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo aanay fadhiisan ilaa iyo inta la ururinayo qaddar u dhigma lacagtii ay guddidu ku qiyaastay inay suuqaas kaga lumeen dadkii ku ganacsan jirey,“Waxa inoo ballan ah tallaabadaas aynu qaadnay ilaa aynu gaadhno Labadaas Bilyan meel Alleh wax ka keenaba inaynaan ka daalin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Dhanka kale madaxwayne biixi ayaa umahad celiyay madaxdii kala duwan ee lasoo xidhiidhay kana tacsiyadeeyay masiibadii ka dhacday suuqa waaheen sida madaxwaynaha somaliya ,raysalwasaaraha somaliya iyo madaxda kilalka somalida iyo kuwii beesha caalamkaba.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
https://youtu.be/iYntJAqragQ