WAJAALE NEWS

Waftigii Madaxwaynaha Jsl Hogaaminayo Oo Caawa Ka Anbabaxay Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Itoobiya, Kuna Sii Jeeda Dalka Maraykanka

ADISABABA(W,N)-Madaxwaynaha jsl iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo galabta ka anbo baxay caasimada hargaysa ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada adis ababa oo ay kusii nasteen saacado.

Sidoo kale waftiga madaxwaynaha jsl hogaaminayo oo ka kooban wasiiro qaarkamid ah ganacsatada Somaliland iyo xubno ka socday ururada bulshada ayaa caawa kasii anbo baxay garoonka diyaaradaha ee bole ee magaalada adis ababa.

Madaxwayne biixi iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa kusii jeeda caasimada dalka maraykanka ee Washington halkaasi oo ay soo dhawayntooda ugu sii diyaar garoobeen jaaliayada reer Somaliland ee kudhaqan dalka maraykanka, madax katirsan dawlada maraykanka.

 

Exit mobile version