WAJAALE NEWS

“Somaliland Waxay Maraysaa Heer Aan Lays Lahayn Way Gaadhaysaa Shalay Baarlamaanka Ingiriiska Ayaa Dooday Maanta Congreskii Maraykanka Ayay Maraysaa”Dr Axmed Xuseen Ciise.

HARGAYSA(W,N)-Dr Axmed Xuseen Ciise ayaa wax laga waydiiyay safarka madaxwaynaha somaliland ku jooga dalka maraykanka iyo safiraadiisa aqooneed eek u saabsan kulamada uu madaxwaynaha ula qaatay madaxda dawlada maraykanka iyo xildhibaanada aqalka sare ee maraykanka.

Dr Aqoonyahan axmed xuseen ciise ayaa tilmaamay in aan la filanyn in madaxwaynaha sidan loo qaabilo ismarkaana ay dawlada maraykanku ay soo saaraan heshiish la doonayo in kuwada shaqeeyaan Somaliland.

Dhanka kale Dr Amxed Xuseen Ciise ayaa ka hadlay waxyaabaha keenaysa in dawlada Maraykanku udanaynayso xidhiidh ay la yeelato Somaliland iyo loolanka ka taagan geeska Africa ee china Iyo Maraykanka udhexeeya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGAN;

Exit mobile version