WAJAALE NEWS

Siyaasiyiinta Iyo Haldoorka Beelaha Warsan-Gali Oo Shir Ku Yeeshay Magaalada Hargaysa Iyo Ujeedada Uudaarnaa!

“Waxaan Maanta Ujoogaa Warsan Gali, Oo Han Iyo Himilo Siyaasadeed Ka Muuqdo”Caaqilka beesha.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasiyiinta,waxgaradka iyo dhalinyarada warsan gali oo kamid ah beelaha reer somalialnd ayaa shirk u yeeshay magaalada hargaysa kaasi oo ahaa mid ay iskaga xaal waraysanayeen xaalada guud ee dalka iyo  mustaqbalka siyaasadeed ee beeshy ku leedahay dalka.

Kulankan ay iskugu yimaadeen haldoorka iyo waxgaradka beelaha warsan gali ayaa waxaa agaasinkiisa lahaa siyaasi cali Maxamed cali (cali caliyu) oo kamid ah siyaasiyiinta beesha kana mid ah xisbiga xaakimka kulmiye.

Waxaana madasha shirka hadalo ka jeediyay siyaasiyiin, waxgarad iyo dhalinyarada beesha warsan galin ee iskugu yimiday kulankan iyagoo siyaasi cali uga mahad celiyay shirka uu iskugu yeedhay iyo wada tashiga beesha ee arimaha siyaasada.

Ugu danbay siyaasi cali caliyu ayaa ka warbixiyay ujeedadan shirkan beesha iyo xaaladaha lagaga arinsanyay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version