HARGAYSA(W,N)-Doon ay saaraayeen tariibayaal iskugu jira Somali iyo dad kale oo ku qaraqantay badwaynta dalka Giriiga ayaa waxaa kamid ah dadkii ku geeriyooday ilaa hada inta la xaqiijiyay dhalinyaro Somaliland kazoo jeeda
Dhalinyaradan oo ka koobnaa 9 qof 5 ka mid ahna la hubo inay soomaali yihiin ayaa ku geeriyoodey dooni ku qaracantey badda Lesvos ee Giriig, dhalinyaradan ayaa ka baxay Magaalada Izmir ee Dalka Turkiga 28.03.2022.
Inta badan dhalinyaradani waa reer Somaliland sida la sheegayo
Maxamed mustafe xasan
Abdalle mohamed warsame
Ibrahin Axmed bile
Asiya ciise adan
Muna awcabdi ibrahin