WAJAALE NEWS

Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Oo ka Hadashay fariimo Been Abuur ah Oo Haayada Concer World Wide Udirtay Shacabka Somaliland.

HARGAYSA(W,N)-Warsaxafadeed kazoo baxay haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa lagaga hadlay fariimo dhawaan haayada concer world wide udirtay bulshada Somaliland kuwaasi oo ay ku sheegtay in heleen maalgalin lacageed oo ay iska kaashadeen dawlada Somaliland midwoga yurubna bixiyay taasi oo ahayd mid aan sal iyo raadtoona lahayn.

Haayada qaxontiga iyo barakacayaasha ayaa cadaysay in haayada aqoontiga aanay waxba ka ogoyn arinta iyadoo haayada worldwide ugu baaqday in ay bulshada ucadayso fariinta iyo cida ay kala shaqaysay iyo sobobta keentay in bulshada loo diro iyadoo soo dhexmarisay shirkada telesom.

Dhanka kale haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa digniin udirtay dad ay sheegeen in dadka barakacayaasha ku dhaqan kaamamka gobolka togdheer ay lacago kaga urursadeen gudoomiyaha ayaa imanaya iyo kaadhadh ayaa laydin siinayaa taasi oo aan waxba ka jirin islamarkaana haayada aanay qaadin wax dhaqaale ah hada iyo horeba

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version