“Wasiir Iyo Masuul Qaran Oo kale Toona Kalsooni Kalama Noqon Karaan, Magacaabidda Iyo Xil ka Qaadistu Waa Awoowdaha Fulineed Ee Madaxwaynaha Qaranka Ugaarka ah”Wasiir Liibaan.
HARGAYSA(W,N)-Wasiir kuxigeenka Wasaarada caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland mudane Liiban Gaxnuug ayaa jawaab ka Bixiyay ficilada mudooyinkan danbe kasoo fulaya qaarkamid ah xildhibaanada golaha wakiilada iyo warka golaha kazoo baxay ee ah in ay kalsoonida kala noqonayaan wasiiro xukuumada katirsan oo ay ku eedeeyeen in ay golaha hor imanay waayaan isagoo ugu baaqay in ay joojiyaan arimaha umuuqda imaqlaay iyo jar iska xoorida ah..
Wasiir kuxigeenka caafimaadka somaliland ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;
“ Xildhibaan jar iska xoornimada joojiya oo awood aydan lahayn ha sheeganina “ i arkaay i maqlaay joojiya si masuulnimo ah u dhaqma ”
Xubno kamid ah Gollaha Wakiiladda Jsl waxa ay Qalad ka fahmeen Shaqadda Iyo awooddaha Dastuuriga ah ee Gollaha wakiiladda ee Ku cad Qodabadda 53 , iyo 54 ee Dastuurka.
Xeer Hoosadka Golaha wakiiladu wa xeer gaar u ah hagida iyo maamulida shaqada Golaha, Mana siin karo Golaha wakiilada awood Fulineed oo ka baxsan inta dasduurku siiyay.
Xildhibaanadda Qaarkood sida ay u dhaqmayaan waa (I Arkaay I maqlaay) aan masuuliyadi iyo xikasnimo midna ku dheehnayn.
Wasiir, iyo Masuul Qaran Oo kale Toona Kalsooni Kalama Noqon Karaan, Magacaabidda iyo Xil ka qaadistu waa awoowdaha Fulineed ( Executive power) Ee Madaxwaynaha Qaranka u gaarka ah.
Xukuumad ahaan wanu so dhawaynaynaa isla xisaabtanka iyo isu dheeli tirka ( check and balance) dhadhaaradda dawlada si wafaqsan sharciga iyo Dastuurka dalka.
Dhacdooyinka ka soo fulaya xubno kamidda Xildhibanaad waxa ay wax u dhimaysaa Haybadda iyo Sharfta Gollah Wakiilada.
Waxa ay xumayn kartaa wadda shaqaynta Labada Dhadhaar ee Fulinta Iyo Sharci Dejinta.
Shar-Gudban.