HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland Ayaa warar isburinaya Kazoo saartay in hal qof deegaanka dhoqoshay ee gobolka Togdheer ugu geeriyooday haraad dartii kaasi oo warkiisa Uu tvga qaranka usheegay badhasaabka gobolka togdheer mudane maxamed cabdilaahi (nafaqo) kaasi oo uu baahiyay Tvga qaranka Somaliland ee ku hadla afka Xukuumadu.
Dhanka kale wasiirka wasaarada biyaha ee Somaliland cali mareexaan ayaa beeniyay warkaasi isagoo sheegay in aanay jirin cid haraad ugu geeriyootay deegaanka dhoqoshay ismarkaana wararka laga faafiyay ay been yihiin kaasi oo ka hor imanaya warkii uu baahiyay televisionka xukuumada ee uu sheegay badhasaabka gobolka togdheer oo isagu masuul xukuumada uga ah deegaanka dhoqoshay ee arintu in ay ka dhacday la baahiyay.
Hadaba wararka isburinaya ee kazoo baxaya masuuliyiinta xukuumada Somaliland ayaa noqday mid jahawareer ku riday bulshada Somaliland oo iyagu la yaaban kala socodka xukuumada iyo wararka isburinaya ee ay baahinayso in ay ka jirto deegaanka dhoqoshay ee gobolka togdheer.
HALKAN KAGA BOGO WARARKA ISBURINAYA EE XUKUUMADA KASOO SAARTAY XAQIIQADA IN HAL QOF DEEGAANKA DHOQOSHAY UGU GEERIYOODAY HARAAD;