WAJAALE NEWS

Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Madaxda Imaaraadka Carabta Kala Hadlay Dekedda Berbera Iyo Jidka wajaale.

Hargeysa(W,N)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo sabtidii booqasha ku tagay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo warramayaa inuu dowladda Imaaraadka uu kala hadlay Arrinta Dekedda Berbera.

Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeesheey Amiirka awoodda badan ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin-Zayed Al Naxyaan.

Wuxuuna Abiy uu Amiirka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga dekadda Berbera ee ay saamiga ugu badan ku leedahay sidii ay uga wada faa’ideysan lahayeen madaamaa Itoobiya ay laheen Dekad isla-markaana dhaqaalaheedea uu si weyn u saameeyey dagaalka waqooyiga dalkaasi ka socda, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi Imaaraadka.

Wargeyska The Jordan Post oo faallo ka qoray booqashada Abiy uu ku tagay Imaaraadka ayaa sheegay labada dhinac in loo badinayo iney ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin: Dagaalka waqooyiga Itoobiya ka socda, soo afjariddiisa sidii ay isaga kaashan lahaayeen, Inay iska kaashadaan horumarinta Wajaale ilaa iyo Berbera si ay Itoobiya Dekaddaasi uga faa’ideysato iyo Dagaalka Imaaraadka uu Xuutiyiinta kula jiro sidii ay Itoobiya uga heli lahayd saldhigyo ay diyaaradaheeda ka duqeeyaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto.

Wargeyska waxaa kale uu sheegay Imaaraadka dhankeeda marka laga reebo saldhig ciidan ay dooneyso inay wax soo saarka beeraha Itoobiya ka faa’ideysato ayna maalgashato beeraha dalkaasi.

“Abiy Wuxuu Imaaraadka uu doontay taageero dhaqaale uu ku hormariyo adeegyada aasaasiga ah ee Wajaale ilaa iyo Dekadda Berbera si ay Addis Ababa ugu sahlanaato isticmaalka dekaddaasi,” ayuu yidhi Sajid Nedin oo ka faallooda arrimaha badda cas iyo bariga Afrika.

Waxaa dhawaan la daahfuray wejigeedi koobaad ee ballaadhinta dekedda Berbera taasoo ay gacanta ku haysay shirkadda shirkadda laga leeyahay Imaaraadka ee DP World.

Saamiga Dekadda Berbara

Heshiiska Dekadda Berbera oo soo billaambay 2016-kii wuxuu ahaa seddex geesood, iyada oo heshiiskaasi ay ansixisay Somaliland.

Heshiiskaas ayaana dhigayey in shirkadda DP World ay saamiga dekadda yeelanayso 51% boqolkiiba, Somaliland-na ay yeelayanayso 30% boqolkiiba, halka dowladda Itoobiya ay qaadatay boqolkiiba 19%, heshiiskaasi oo soconaya muddo 30 sannadood ah.

Kulanka raysalwasaaraha itoobiya la yeeshay madaxda emaraadka ayaa kusoo beegmaya xili ay Somaliland bishii la soo dhaafay waxay sheegtay inay Itoobiya wax saami ah ku lahayn dekedda Berbera uuna burburay saamigii 19% ka ee ay lahayd.

Wasiirka Maaliyada Somaliland DR. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiiskii ay Itoobiga 19% uga yeelanaysay saamiga Dekedda Berbera uu burburay

Exit mobile version