Hargeysa (WJN)- Xoghayaha warfaafinta Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa cambaareeyay xadhiga sharci darada ah ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi kula kacday Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees, Isagoona sheegay in hanaan sharci ah loo marin Xadhiga Abwaanka.
Dhinaca kale Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maanta lagu waday in la hor keeno Maxkamada ayaan ka soo muuqan iyadoo Garyaqaan u doodaya Abwaanka uu sheegay in maalinta isniinta ah la hor keenayo Maxkamada.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/cMEpsVF4iDc