HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha xisbiga ucid yuusuf kayse ayaa soo bandhigay dhaqaalaha ku baxaya mudanayaasha golaha wakiilada oo madaxwaynaha jsl muuse bixi maalinta bari ah casuumad ufidiyay xili dalka uu ku jiro abaaro baahsan oo saameeyay dad iyo duunyabo.
Xoghaye yuusuf kayse ayaa madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu dhaqaalaha casuumada xildhibaanada ku baxaya uu ku caawiyo muwaadiniinta abaaruhu sameeyeen oo biyo lagu gaadhsiin karo inka badan 180000kun oo qof. Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;
“Bari Waxaa uu Madaxwaynuha JSL md Muuse Biixi Cabdi Kulan Qado-ah iskugu Yeedhay 82ka mudane ee Aqalka Golaha Wakiilada JSL’ arintani oo damiir ahaan dad badani oo muwaadiniin reer Somaliland ah anigu aan ka mid ahay noo la muuqata mid waaqica adag ee duruufaha Abaaraha iyo Sicir bararka Tabaalaha wayn u gaystay bulshada reer Somaliland awgeed aan ahayn wakhti ku haboon in Kharash Hudheel kharash badan inta uu madaxweynihii qaranka iyo Xukuumadiisi ku bixiyaan Casuumad dad tiro 130 qof kor u dhaafi karta in hudheel loogu qabto halkii ay ahayd in Dowladu Cududeeda iyo Awoodeeda dhaqaale wixii ay awood hayso inay iskugu gayso sidii dadka Abaaruhu ku jiifaan ay ugu gurmato.
Hadaba Sidaa Daraadeed hadii aynu Xisaab u rogno isbar bar dhigna ku yar tilmaano Lacagta kharashka uu Madaxweynuhu ku casuumaayo oo kaliya mudanayaasha Golaha Wakiilada Jsl iyo hadii lacagtaasi Gurmadka Abaarta Biyo dadka Tabaalaysan ee Biyaha u baahan waxay noqonaysaa Qiyaas ahaan ??.
1)Golaha Wakiilada ee la casuumay waa 82 qof ??
2)Golaha Xukuumada Wasiirada ama Masuuliyiin ugu yaraan ka soo qaad 30 qof ??
3)Martida kale si uun qadadaasi uga soo qaybgeli doonta ka soo qaadba Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye ugu yaraan 20 qof?
Total 132 qof × $25 qado ah × $6 sharaab iyo biyo ah 132×$31= $4092 .
Booyada Biyaha ah oo qaada 40 foosto halka Taagi ee kuwa Bulshadeenu inta badan Qoysaskau isticimaalaan waxa uu qaada waa 5 Foosto oo Taagiga 5ta Foosto uu maanta Hargeysa ka maraayo 70’000shilinka lacagta Somaliland ah’ waxaanay ka dhigan tahay wadarta guud ee lacagta Biyaha Booyada 40ka Foosto qaada inay tahay Lacag dhan
qiimo ah 560’000shilinka (Shan Boqol & Lixdan Kun oo Lacagta Jsl shilins ah.
Markaa lacagtaasi Waxay u dhigantaa 10’000 oo Booyadood oo waraabin lahayd (toban kun oo booyadood ) oo Waraabin lahayd 180’000 oo qof ( boqol iyo sideetan kun oo qof ).
Mudane Madaxweyne lacagaas Shacbigaaga abaaraysan ayaa ee Baahan Biyo u sii’ waxa kale oo aan ku sheegayaa Hadii aad Golaha Wakiilada hawl deg deg ahi jirto adiga oo qado ugu yeedhin golaha galin hore ugu tag wixii aad maanta muhiim u aragto ama muraad ka leedahay wax kugu khasbaaya in aad Qado Kharash inta leeg oo umadaadii codkooda kugu soo dooratay ee aad madaxweynaha maanta ku tahay gurmad u noqon karta iyagay gurmad waxtar leh kaaga mudan yihiin adigana If iyo Aakhiroba wax tar in kugu filan aad ka helaysaaye Baarlamaanka jid sharci ah oo dastuuri aan kharash iyo Qado toona ahayn ayaad dariiqiina iyo danihiina wadashaqayneed oo kan hada ka Saxsan u mari kartaa.
Waxa Qoray; Xoghayaha Arimaha Gudaha ee xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdilaahi.