WAJAALE NEWS

War Deg-Dega: Aaden Faarax Sareeye Oo Xarun Caafimaad Ku Haystay Xaafada Xero Awr ee Magaalada Hargaysa Oo Mar Dhawayd Toogasho Lagu Dilay

Hargaysa(wajaalenews)Alla Ha U Naxariistee nin xaruncaafimaad Ku Haysta Xaafada Xero Awr ee Magaalada Hargaysa ayaa mar dhawayd lagu dilay meheradiisa ka dib markii sida la sheegay nin  soo duubtay wajigu uu u soo galay meherada ka dibna la dhacay rasaas,waxaanay wararku sheegayaan in marxuumka markiiba loola cararay cisbitaalka wayn ee Magaalada Hargaysa halkaas oo uu ku geeriyooday Marxuumku.

Marxuumkan Gacanta ka Gardaran dishay ayaa lagu magacaabi jiray Aaden Faarax Sareeye oo sida la sheegay walaalo ahaayeen Dr.Ina sareeye oo ahaa dhakhtarka xaruntan caafimaad ku lahaa xaafada xero Awr oo horaantii sanadkan isna geeriyooday kana mid ahaa dhakhaatiirta waawayn ee dalka,waxaana xusid mudan in goobta dilkani ka dhacay tahay isla xaruntan.

Gacan Ku dhiig laha gaystay dilkan ayaa sida la sheegayo aanay wali gacanta ku dhigin ciidanka nabad galyadu,walina ma cada sobobta ka danbaysa dilka marxuumkan

 

 

 

 

Exit mobile version