WAJAALE NEWS

Somaliland Oo Cambaaraysay Weerarkii Ka Dhacay Magaaladda Nairobi

NairobiHargeysa(Wajaale News)-Xukumada Somaliland ayaa Cambaaraysay Weerarkii Shallay Kooxda Alshabaab ku qaaday Dhismaha Weyn ee laga Tukaamaysto ee la Yidhado West Gate, oo ay ku dhinteen inta la ogayahay 59Qof in ka badan 175Qof  at ku dhawacmeen.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa Sheegay in in Xukumada Somaliland  Cambaaraynayso  Falkaasi shallay ka dhacay dalka Kenya oo lagu dilay Aad aad u badan.

Waxaanu yidhi.?Runtii Falkii shallay ka dhacay dalka Kiiniya gaar ahaana Magaalada Nayroobi,  waanu Cambaaraynaynaa, kaasi oo ahaa mid  Lagu dillay dadka aan waxba galabsan, Dawlada Somaliland  way Cambaaraynaysaa Falkaasi, oo ah fal aad u xun.?Ayuu yidhi wasiirku.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Exit mobile version