WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Komishanka Oo Shaaciyay In Ay Diyaarinayaan Sidii Doorashada Madaxtooyadu Wakhtigeeda Ugu Qabsoomi Lahayd.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha komishanka doorashooyinka qaranka cabdirashiid riyo raac ayaa shaaciyay in ay wadaan sidii doorashada madaxtooyadu wakhtigii loo mudeeyay ugu qabsoomi lahayd islamarkaana miisaaniada qaranka uu madaxwaynuhu ku daray kharashkii xukuumadu ugu talo gashay doorashada.

Sidoo kale gudoomiye riyo raac ayaa ka waramay wakhtiga ay bilaabayaan diwaan galinta codbixiyaasha si kaadhka ay uqaatan dadkii qaangaadhay mudadii hore ee dadka la diwaangaliyay kadib, dadkii dalka ka maqnaa amaba si kale uga habsaamay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version