WAJAALE NEWS

“Dadku Waxay Rabaan Wasiir Sida Cabdiweli, Ganacsatada Qancin Kara Oo Dantooda Iyo Danta Shacbiga Middayn Kara”Amb Kaysar,

HARGAYSA(W,N)-Wasiir Kuxigeenkii Hore Ee Wasaarada Ganacsiga Xukuumadii Axmed Siilaanyo Amb kaysar ayaa wasiirka isgaadhsiinta Iyo Technolajiyada ku bogaadiyay heshiishyada uu ka dhexdhaliyay shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland isagoo sheegay in shacabka Somaliland ubaahan yihiin wasiir cabdiwali oo kale islamarkaana iswaafajinka kara danta shacabka iyo dantooda,

Amb kaysar ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Wasiir Kasta Iyo Kartidii !

Haddii Wasiirka Isgaadhsiinta Cabdiweli Suufi uu ku guulaystay inuu Walaaleeyo oo heshiisiiyo Shirkadihii Isgaadhsiinta, oo uu ku qanciyay inay wada shaqaystaan oo ay khadadka Taleefanada middeeyaan,

sidoo kalana ay khadkii Kaybalka wada yeeshaan oo ay ku midoobaan, waxaynu odhan karnaa waa kaas Wasiirka ay Shacbigu rabaan ee kartida lihi. Dadku waxay rabaan Wasiir sida Cabdiweli Ganacsatada qancin kara oo dantooda iyo danta shacbiga middayn kara.

Ummadu uma baahna Wasiir jilicsan oo taag daran oo yidhaa waxba ma qaban karo. Ummadu ma rabto Wasiir yidhaa waxba ma qaban karo oo Maraykan iyo Dunida ayaynu wax la qabnaa.

Wasiirradow Ummadu kuumay diran inaad uga sheekayso sicir-bararka Maraykanka iyo Itoobiya ka jira,  iyaga taasi ma khusayso, balse waxay ummadu kuu diratay in dhibaatada haysata aad wax ka  qabato. Haddii aanad ka qaban karina aad Albaabka dhaafto oo Wasiir sida Cabdiweli wax ka qaban kara aad u bannayso.

Tolow Wasiirkeena Isgaadhsiintu ma waxa uu ka soo jeedaa Qoyskii reer Sheekh Cali Suufi ee Ciyaalo-milatariga ahaa ee Iskuulka Axmed Guray ag degenaa qaxii ka hor.  Igu salaama Wasiirkaas Isgaadhsiinta ee dedaalka muujiyay.

 Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Exit mobile version