WAJAALE NEWS

Al shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Qarax Lagu Weeraray Wafti Uu Hogaaminayay Madaxwaynaha Puntland.

BOSAASO(W,N)-Kooxda Al shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax maanta lagu weeraray kolonyo ciidan oo galbinaysay madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, xilli madaxweynaha iyo wafti la socday ay gudaha usii galayeen magaalada Boosaaso.

War kooban oo kasoo baxay Ururka Alshabaab ayaa lagu sheegay, in beeg sigooda uu ahaa madaxweynaha Puntland, balse uu ka badbaaday weerarkaas, waxayna sheegeen inay ku dileen askar kamid ah ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni.

Qaraxa Boosaaso ka dhacay ayaa kusoo beegmaya xilli ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay magaalada ku sugan yihiin siyaasiyiin doonaya in xildhibaanno loo doorto.

Qaraxa maanta ka dhacay Bosaaso oo ahaa mid lagu sii Qariyay laamiga dhinaciisa ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland.

Ugu yaraan labo askari oo lagu kala magacaabo, Fanax iyo Maxamed Dheere, ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxa, Halka ay  afar kalena ku dhaawacmeen.

 

Exit mobile version