Bosaaso(Wajaale News):-Waxa maanta qarax lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, xilli ay marayeen badhtamaha magalada Bosaso.
Taliyaha ciidamada badda Admiral C/risaaq Diiriye Faarax oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo qof isa soo miidaamiyey uu watey.
Taliyuhu wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxa lala eegtay mid kamid ah saddex gaadhi oo ay ciidamadu wateen, xilli ay kusii jeedeen suuqa si ay uga soo dukaameystaan.
Dhinaca kale wasiirka amniga ee Puntland, Kol. Khaliif Ciise Mudan, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC, ayaa xaqiijiyey in 8 qof ay dhinteen in ka badan 30 qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan qabaan. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa maanta magaalada Boosaaso ka dhacay, haseyeeshee wasiirka ayaa ku eedeeyey Ururka Al-shabaab.
Dadka dhintey waxaa ku jira ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Badda ee Puntland iyo afar qof oo rayid ah, waxaa sidoo kale dadka dhintay qayb ka ah qofkii isa soo miidaamiyey ee isagu weerarkaas geystey.
Dadka dhaawacmay oo qaarkood ay xaaladoodu halis tahay, waxay u badan yihiin shacab jidka marayey iyo qaar meharado ganacsi ku haystey agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay. Firirka qaraxa ayaa waxyeelo xooggan u geystey gawaadhi tira badan iyo dhismeyaal dhowr ah.
Wajaale News
Hargaysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdiraxman Habane