WAJAALE NEWS

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Mudadii Uu Soo Taxnaa Damaca Itoobiya Ee Qabsashada Xeebta Somaliland Ee Saylac!

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo kamid ah Siyaasiyiinta reer somaliland ee ka faalooda arimaha geeska Africa ayaa ka hadlay damaca la sheegay in dawlada itoobiya ee Uu hogaamiyo raysalwasaare abiye in ay doonayso in ay Qabsato xeebta somaliland ee bada saylac

Siyaasi cadami ayaa siqotodheer uga hadlay qoraal uu khabiir maraykanka ka qoray damaca itoobiya ee xeebaha somaliland oo uusheegay in uu yahay mid soo jireen ah oo madaxda itoobiya ku jiray ilaa boqortooyadii melelik kaasi oo ay Boqortooyada ingiriisku ka diiday wakhtigii ay gacanta ku haysay mastacaradii somaliland.

Siyaasi cabdiraxmaan cadami ayaa ka hadlay waxyaabaha wakhti xaadirkan taageeraya damaca itoobiya ee qabsashada xeebta bada saylac oo uu sheegay in raysalwasaare abiye sexeex bada Somaliland ah ka haysto madaxwaynaha maamulka somaliya farmaajo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGAN;

 

Exit mobile version