HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jamhuuriyada somailand ayaa digreyto madaxwayne ku magacaabay gudida diwaan galinta ururada siyaasada iyo asxaabta qaranka.
Wareegto Madaxweyne : 29/01/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 uu ku magacaabay Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:
- Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.
- Siciid Maxamed Cilmi Xubin.
- Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.
- Aadan Geedi Qayaad Xubin.
- Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.
- Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.
- Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland