WAJAALE NEWS

DAAWO;-Urur Siyaasadeed Magaciisa Lagu Muransan Yahay Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargaysa.

HARGAYSA(W,N)-Urur siyaasadeed lahaanshaha magaciisa lagu Muransan yahay ayaa maanta magaalada hargaysa lagaga Dhawaaqay kaasi oo ay shaaciyeen siyaasiyiin hore uga tirsanaa xisbiga Talada Dalka Haya ee kulmiye.

Munaasibada lagu shaacinayay ururka dadwaynaha somaliland ee “spp”

Siyaasiyiinta ku dhawaaqay ururkan oo uu horkacayay wasiirkii hore ee caafimaadka xukuumadii Axmed Siilaanyo Dr saleebaan Xagla toosiye oo ayna weheliyaan  siyaasi ramaax iyo xubno kale ayaa magaca ay ku dhawaaqeen waxaa iska lahaa Aqoonyahan Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil oo isagu magaca Ururka dadwaynaha somaliland soo waday mudo laga jooga 4sano kaasi oo sheegay in uu sharciga la tiigsan doono, xubnaha copy gareeyay magaca ururkiisa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version