ADIS ABABA(W,N)-Ciidamada dawlada itoobiya ayaa magaalooyin cusub ee gobolka axmaarada ah ala wareegay jabhada tplf oo hore uqabsatay.
Sidoo kale raysalwasaare kuxigeenka itoobiya ahna wwasiirka arimaha dibada dalka itoobiya ayaa gaadhay furinta hore ee dagaalka iyo maagalada leibela oo cidamada dawlada dib uga qabsatay jabhada tplf.
Demeke Mekonnen ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiir ka arimaha dibada Itoobiya ayaa gaadhey magaalada taariikhiga ah ee Lalibela kadib markey halkaasi dib u qabsadeen ciidamada Military ga Itoobiya.
Dawlada Itoobiya ayaa hada horumar ka sameynaysa furimaha dagaalka ay kula jiraan xoogaga TPLF.
Dhanka kale wararka laga helayo dagaalada itoobiya ayaa sheegay in jabhada Tplf ay iskaga baxeen magaalooyinka waldiya iyo buuralayda ku teedsan halkaasi oo muhiim u ahayd dagaalada aykula jiraan ciidamada dawlada itoobiya iyagoo isuu guuraya gobola ay kazoo jeedaan ee tigrey,